Khudaar aan Somalia horay uga bixi jirin oo lagu guulaystey in dalka lagu beero & Meesha + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Okt 2023 – Waxaa markii ugu horreeysey Somalia lagu tijaabiyey miraha Strawberry-ga oo aan caadiyan lagu aqoonin dalka Somalia, waloow aan horay loogu tijaabin sida miro iyo khudaar kale oo haatan ka baxa.

Strawberry-ga oo caadiyan ku baxa cimilada u dhexeeysa kulaylka iyo diirranaanta ee u dhaxaysa 60-80 F. ama 16-27 C, ayay fiican tahay in la beero xilliyada guga oo kale, balse tijaabadii iminka oo ka dhacday beer Green House ah oo ku taalla degmada Dayniile ayaa lagu guulaystey.

”Waxaa beerteenna tijaabada ah ee Muqdisho, ku beernay miraha strawberryga anagoo isticmaaleeno beeraha casriga ah. Natiijadu wax ay u muuqataa mid guul ah. Tani waa tallaabo weyn oo fursad inoo siin doonto tijaabinta iyo sahminta dalagyada cusub iyo hanaanka loogu beeri karo gudaha dalka soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya Strawberry-ga inta ugu badan waxaa loga keenaa dibadda. Waana mid ka mid ah miraha ay aadka u jecel yihiin Dadka, taasi ayaa fursad inoo siinaysa inaan ku tijaabino Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu daray qoraalkan kooban oo kasoo baxay Agribusiness Solutions oo beerahan maamusha.

May be an image of strawberry

Hadalsame Media