(Nairobi) 06 Okt 2023 – Askarta Kenya, oo hadda tiradooda ku sugan gudaha Somalia ay ka badan tahay 4,000 oo askari sida uu sheegay Ducaale, ayaa la siinayaa lacago malaayiin ah.
Ciidanka Xoogga Kenya ee KDF iyo booliiska ka tirsan Howlgalka KMG ah ee ATMIS ee Somalia loo geeyey si ay ula dagaallamaan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab, ayaana lacagahaa la siinayaa, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya.
Sidoo kale, waxaa jira ciidan KDF ah oo aan ka tirsanayn Howlgalka ATMIS oo ka galaa baxa dalka Somalia oo aan muddo dheer lahayn nidaam dhexe oo guud, siyaasad midaysan iyo xad ilaashan.
“Qoysaskii saraakiisha KDF ee dhintay iyagoo ku guda jira waajibaadkooda shaqo ee Soomaaliya waxaa la siin doonaa Sh4 milyan oo Shilinka Kenya ah,” ayuu yiri Wasiir Barre Ducaale.
“Halka kuwa dhintay iyagoo ka tirsan Howlgalka ATMIS iyaga la siinayo (lacag taa laba jeer ku dhowaad ka badan) oo ah Sh7 milyan oo Shilin.”
Walow la hubiyey in lacagta min Sh7 milyan ah lagu siinayo iyadoo qayb ka ah deeqaha hadhow Somalia lagu qorayo waxaan caddayn cidda bixinaysa Sh4 milyan inay Dowladda Kenya tahay iyo in kale.
Hadalsame Media