(Moscow) 06 Okt 2023 – Nin wax saadaaliya oo Ruush ah, Kara-ool Dopchun-oo, ayaa rajeeyey in uusan dhici doonin dagaal nukliyeer ah, laakiin wuxuu ka digay in reer Galbeedku ay “ka shaqeeysiiyaan maskaxdooda oo caqli la yimaadaan” oo ay garowsadaan inaysan ka adkaan karin Moscow.
Intii lagu guda jirey booqasho uu ku tegay caasimadda Ruushka Khamiistii shalay, madaxa ururka Shaman ee Kyzyl ‘Adyg-Eeren’ (Ruuxda Madax-kutiga) ayaa u sheegay Wakaaladda RIA Novosti in haddii waddan shisheeye ahi uu u adeegsado hubka nukliyeerka, markaa “hubka nukliyeerka ee Ruushku uu camimi doono adduunka oo dhan.”
“Sidaa darteed, way baqayaan, waxaana loo baahan yahay kaliya wada xaajood iyo heshiis nabadeed. Wada-xaajood nabadeed, haddii waddamadaasi sidaa rabaan,” ayuu yiri Dopchun-oo.
Waxa kale oo uu ku andacoodey in reer Galbeedku u baahan yihiin inay fahmaan in “aanay macquul ahayn” in laga adkaado Ruushka.
Marka la eego dagaalka Ukraine, Shaman wuxuu soo jeediyey in dadka reer Ukraine ay ogaadaan in madaxda hadda ku sugan caasimada Kiev ay yihiin cadowgooda dhabta ah.
Hadalsame Media