(Hadalsame) 05 Okt 2023 – NATO ayaa daabacday maqaal uu qoray sarkaal ka fadhiistay difaaca Maraykanka, kaasoo ugu baaqaya ururka inay qaadaan oo Ruushka uga guulaystaan dagaal xaddidan oo nukliyeer ah.
Haddii Maraykanka iyo Shiinuhu ay iskula dhacaan arrinta Taiwan, qoraagu wuxuu ku doodayaa in dagaal ballaaran oo Yurub ka dhaca ay u badan tahay inuu ku xigsado.
Maqaalka waxaa qoray Gregory Weaver, kaasoo ahaa ninka ugu wayn ee la-taliyaha difaaca gantaalaha iyo nukliyeerka iyo ee Abaanduulka Guud ee Ciidamada Maraykanka.
Gudaha qoraalka, Weaver wuxuu ku dooday in, Ruushku uu isticmaali karo hubka nukliyeerka taatikada si uu uga hortago guuldaro ku qabsata goobta dagaalka ama uu uga keeno guul deg deg ah dagaal caadi ah, sida midka Ukraine.
Xaaladdan oo kale, hoggaanka millateriga Ruushku wuxuu u qaadan lahaa in reer Galbeedku aysan sinab ah uga jawaabi doonin, iyagoo ka baqaya in xaaladdu “ay faraha ka baxdo oo uu bilowdo dagaal wayn oo aan la xakamayn karin oo dhexmaraya Maraykanka-Ruushka.”
Taa bidaalkeeda, halkii laga cabsan lahaa dagaal nukliyeer ah, Weaver wuxuu ku doodayaa in reer Galbeedku ay diyaaradaha ku xirtaan nukliyeer taatiko ah oo hadhow loogu jawaabo Ruushka.
Hadalsame Media