”Wax uu ciyaarta ka sameeyey ma jiraan” – Cassano oo weerar ku qaaday Leao oo isna ka bixiyey jawaab qosol badan (Daawo)

0

(Stockholm) 05 Okt 2023 – Kaddib kulankii Dortmund ee ay xalay AC Milan barbarraha 0-0 la gashay, UEFA ayaa waxay Rafa Leao ku abaalmarisay Xiddiga Garoonka ee MVP, laakiin Rafa Leao kulankii uu la ciyaaray kooxda jaalaha iyo madowga sida muuqata kama farxin dadka oo dhan.

Dadka sida wayn u dhaleeceeyey qaab ciyaareedka jookarka Portugal waxaa ka mid ah Antonio Cassano oo si xun u weeraray lambarka 10-aad ee Milan isagoo ku eedeeyey inuusan difaaca ka qaybqaadan islamarkaana uusan wax muhim ah ka samayn kulankaasi.

“Gli manca sempre 1 per fare 31 – ha detto Fantantonio – fa due sgroppate è tutta velocità, palla avanti e basta, non ha mai tirato in porta, zero assist, ha sbagliato la giocata decisiva”.

Fantantonio ayaa Leao ku eedeeyey in waloow uu leeyahay tillaabo dheer iyo farsamo uusan misna samaynin waxyaabo muhim ah, sida inuusan hal kubbad goolwalaha ku toosin, inuusan gool dhigin, islamarkaana dhalin. ”Wuxuu khalday kubbadaha muhimka ah.” ayuu ku dooday Cassano.

Weerarkan afka ah ayaa sida muuqata kiciyey shucuurta Leao taasoo laga garan karo fal-celinta ciyaartooyga AC Milan, kaasoo muuqaalka lagu dhaliilayo laftiisa soo dhigay Twitter-ka, isagoo saaray dareenno kala duwan oo ka kooban wejiyo qoslaya iyo ”clowns” oo ah astaan aalaaba loo adeegsado doqonnimada iyo wixii aan si dhab ah xaaladda u wajahin.

Hadalsame Media