”Waa la igu is istaagey!” – Gabar caan ka ah Soomaalida dhexdeeda oo sheegtay in Sweden lagu weeraray

0

(Hadalsame) 05 Okt 2023 – Bilan Cusmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo wax ka qorta siyaasadda iyo arrimaha bulshada, kuna dhaqan Stockholm, ayaa sheegtay in lagu weeraray gudaha Sweden iyadoo waxyeello lasoo gaarsiiyey.

Waxay Bilan sheegtay in qofka weeraray oo noqon kara mid ama cunsuri ah ama dhimir ahaan qulbani uu ku qayliyey markii uu weerarayey iyadoo sheegtay inaysan sababta aqoonin, balse ay dhici karto in lagu maagay qoraal ay hadda kahor ka samaysay South Africa oo loo fahmey inay caddaanka neceb tahay.

”Ma doonayo inaan aad ugu dheeraado qoridda dareenkayga. Waxaa jiri karta khatar ah in aad ku dhex lunto. Ma garanayo ujeeddooyinka, laakiin waxaan ogahay dhaawacyadii uu jirkaygu u gaystay,” ayay tiri Bilan.

”Jilibka oo aan weli si buuxda u shaqaynayn, nabarro jirkayga qariyey. Curcurka oo i dhaawacmay. Durba fiidkii waxaan arkayey calamadaha farahiisa uu gacantayda ku yaal.” ayay raacisay.

”Waxa uu ahaa qof laad igula tuntay isagoo muujinaya xanaaq aanan weligey horay ula kulmin. Weliba waxaan ahay qof caadaystay inaan la kulmo dad aan sidayda u fikirin. Kani se wuxuu ahaa qariib aanan aqoon, laakiin way iska caddahay inuu garanayey qofka aan horraanba ahaa,” ayay tiri.

”Inkastoo. Tani aanay ahayn dood ra’yi, xitaa dadka aan la kulmo ee xambaarsan fikradaha Nazi ee ugu qallafsan qof uguma xadgudbaynin sabab taa la xiriirta.” ayay ku doodday Bilab oo amaantay booliiska Sweden oo ay sheegtay inay si wanaagsan u wajeheen kiiskan, iyadoo Ilaahay uga mahadcelisey inaysan ku dhicin wax ka daran waxa haatan qabsaday.

W; T: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media