(Nairobi) 05 Okt 2023 – The reshuffle which was initiated in line with Article 132 (2)(e) of the Constitution saw Willy Betty moved from India to Beijing as the new High Commissioner in China.
Madaxwayne William Ruto ayaa magacaabay oo dib-u-howlgeliyey safiirro iyo wakiillo sarsare oo qayb ka ah isbedal lagu dhawaaqay fiidnimadii Arbacadii shalay.
Isku shaandhayntan oo la bilaabay iyadoo la raacayo qodobka 132 (2) (e) ee dastuurka Kenya ayaa waxaa lagu magacaabay Danjireyaal fariisanaya dalal ay Somalia ka mid tahay.
Xilalka la magacaabay oo qaarkood dalalkii ay joogeen laga wareejiyey misna dal kale la geeyey, ayaa waxaa dhanka Somalia baraha bulshada ka bilaabatay dood ku saabsan in Kenya ay Danjire rasmi ah u magacowday Somaliland oo ah maamul aan weli haysan wax aqoonsi caalami ah, balse tan iyo 1991-kii sheegayey inuu Somalia ka go’ay.
Haddaba, marka aad qoraalka hoose iyo warqadda hoos taalla eegto, waxaa si cad ugu qoran inay Kenya ergay u magacowday Somaliland, kaasoo u shaqaynaya sidii Qunsul oo kale, balse aan ahayn Danjire buuxa maadaama ay Kenya qoraalka ku caddaysay inay Hargaysa u aragto magaalo ka tirsan dalka Somalia, wax ku jabanna ma laha in dal uu qunsul u magacowdo magaalo wayn oo dal kale kasii tirsan, balse aan caasimaddii ahayn.
Qoraalku waa sidan: Janet Mwawasi (Kigali, Rwanda); Kiringo Kubai (Muqdisho, Somalia); Mercy Mueni (Arusha, Tanzania); Cabdi Weli (Hargeysa, Soomaaliya); Fouzia Abdirahman (Bern, Switzerland); Sharon Ole Sein (Mdrid, Spain); Maurice Makoloo (Vienna, Austria); iyo Prof Peter Ngure ayaa loo magacaabay madaxa cusub ee howlgalka UNESCO ee Paris, France.
Hadalsame Media