Ingiriiska oo ka fikiraya inuu ciidamo rasmi ah geeyo gudaha Ukraine & Waxa ay qabanayaan

0

(London) 05 Okt 2023 – Xoghayaha Difaaca UK ee dhowaan la magacaabay Grant Shapps ayaa daaha ka qaaday wadahadallo socda oo ku saabsan balaarinta barnaamijka tababarrada ay UK siiso ciidamada Ukraine, iyo in macalimiin Ingiriis ah dib loogu soo celinayo dalkaasi, iyadoo Kiev siinaysa taageero ciidan oo aan la cayimin oo dhanka badda Black Sea ah.

“Waxaan maanta ka hadlayey in ugu dambayntii tababarka loosoo dhoweeyo gudaha Ukraine,” ayuu Shapps u sheegay The Telegraph kaddib booqasho uu ku tagay garoonka Salisbury Plain.

Intii lagu guda jirey safarkiisa Kiev horraantii isbuucaan, madaxa cusub ee difaaca, oo xilka qabtay kaddib isku shaandheyn dowladeed bil kahor, ayaa sida muuqata arkay “fursad” uu halkaa ku geeyo waxyaabo badan.

“Shapps wuxuu sharraxay inuu ula jeedo “inaanay kaliya ahayn tababarka,” laakiin sidoo kale soo saarista hubka, wuxuuna ku ammaanay shirkadda wayn ee hubka samaysa ee Ingiriiska ee BAE Systems qorshaheeda ay ku degeyso gudaha Ukraine.

“Waxaan aad u jecel ahay inaan arko shirkadaha kale ee British ah oo qaybtooda qaata iyaga oo samaynaya si la mid ah. Markaa waxaan qabaa in loo dhaqaaqi doono sidii dalka loogu heli lahaa tababarro iyo wax soo saar badan.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalsame Media