Ciyaaryahan isaga oo Gambia u safan kara Somalia doortay oo loo diiddan yahay Baasaboorka Somalia (Warbixin)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2023 – Macalinka xulka kubadda cagta Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa Axadii lasoo dhaafay soo bandhigay 35-ta ciyaartooy ee xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya uga qeybgali doono wareega koowaad ee isreeb-reebka koobka kubadda cagta aduunka.

Waxaana 35 ciyaartooy oo ku kulmi doono, iskuna diyaarin doono dalka Marooko, kasoo dhexmuuqday Bilal Njie oo ah ciyaaryahan Soomaali Norwiiji ah oo ka ciyaara heerka koowaad ee kubadda cagta norway.

Bilaal oo khadka weerarka garabka uga ciyaara kooxda Haugesund ee horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta Norway, ayaa sheegay inuu isku diyaarinayo inuu kamid noqdo xulka Soomaaliya matali doono ee bisha November ka hortagi doono xulalka qaranka dalalka Algeria iyo Uganda.

Warar soo baxaya ayaase waxay sheegayaan in Rachid loo diidey Baasaboorka dalka Somalia, mana la sharrixin sababta go’aankaa loo qaatay. Wararka qaar oo laacibka ku dhow ayaa sheegaya in laacibka ay Waaxda Socdaalka Somalia u sheegtay ”inuusan Soomaali ahayn”, taasoo ah arrin la yaab ku noqotay xiddiggan oo Soomaali ah.

Soomaaliya ayuu ka doortay Gambia:

Sida uu qoray wargayska Haugesund Avis, bishii May ee sanadkan Bilaal ayaa kooxdiisa Haugesund ku wargaliyey inay lasoo wada xiriireen xulalka kubadda cagta dalalka Soomaaliya iyo Gambia. Wuxuuna sheegay inuu doortay Soomaaliya, inkasta oo uusan horey uga soo mid noqon xulalka da´yarta ee Soomaaliya.

Bilaal oo Oslo ku dhashay sanadkii 1998-kii, heystana dhalashada Norway ayaa sheegay inuu doortay u ciyaarista Soomaaliya oo ay hooyadii oo soomaali ah kasoo jeedo, inkasta oo ay xiriir lasoo sameeyeen xulka qaranka Gambia oo uu aabihii kasoo jeedo:

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ila soo xiriiray bishii May ee sanadkan, si ay i weydiiyaan inaan Soomaaliya u ciyaaro, waana u xaqiijiyay arrintaas. Hada waxaan ka qeybgali doonaa tababarka la isku uruurinayo kooxda oo isbuucan bilaaban doona. Waana tababar ujeedkiisu yahay in la isku diyaariyo ciyaaraha is-reebreebka oo dhici doono bisha November.

Wax badan kama aqaano xulka qaranka, laakiin marka la isku daro xiisaha ciyaareed iyo inaan matalo dalka, ayaa arrintan ka dhigeyso mid soo jiidasho leh. Waligey horey uma ciyaarin xulka da´yarta qaranka dal, sidaas darteed arrintan waxa ay aniga ii tahay fursad xiiso badan leh. Hadafku waa inaan kamid noqdo xulka ka qeyb noqon doono ciyaaraha is-reebreebka ee la ciyaari doono Bisha November, ayuu Bilaal u sheegay FHK.NO oo ah webka kooxdiisa Haugesund.

Bilaal waxaa la dhashay Moussa Njie oo isna ah ciyaaryahan Soomaali Norwiiji ah oo ka ciyaara heerka koowaad ee kubadda cagta Norway.

Xulka qaranka Soomaaliya ee uu xulay macalin Rachid iyo kooxdiisa macalmiinta ah, ayaa waxaa ka dhex muuqdo tobanaan dhalinyaro ciyaartooy ah oo ku dhashay qurbaha, kana ciyaara horyaaladda kubadda cagta caalamka.

Isha: NorsomNews

Hadalsame Media