Carragher & Micah Richards oo qoob ka ciyaar la camirtay laacib ka tirsan Newcastle (Daawo)

0

(Newcastle) 05 Okt 2023 – Laacibka Dan Burn ayaa waxa uu u dabbaaldegey guushii waynayd ee Newcastle ay xalay kasoo hoysey Champions League kaddib markii ay muquunisay PSG isaga oo qoob ka cayaar la dheeley Jamie Carragher iyo Micah Richards.

Magpies ayaa 4-1 ku garaacday kooxda haysata horyaalka Faransiiska habeen xusuus leh oo ay ku qaateen gegadooda St James’ Park taasoo ahayd ciyaartii ugu horreeysay ee gurigooda ee tartanka naadiyada sare ee Yurub muddo 20 sano ah.

Burn – a boyhood Newcastle fan and former season ticket holder – netted his side’s second after Miguel Almiron had opened the scoring.

Burn – oo ah taageere ilaa yaraantii Newcastle ku xirnaa islamarkaana haysta tigidhada xilli ciyaareedka mar iibsan jirey – ayaa dhaliyey goolkii labaad ee kooxdiisa kaddib markii Miguel Almiron uu furay goolashii ay xalay ku adkaadeen.

Laacibiintii hore ee Jamie Carragher iyo Micah Richards ayaase Dan Burn kula biiray qoob ka ciyaarka xiisaha badan ee TikTok kaddib guushii Newcastle ee habeenkii Talaadadii xalaytoole.

Muuqaalka Burn iyo ciyaartooydan falanqeeyayaasha isu rogey ayaa iyagoo samaynaya qoob ka ciyaarka waxay si wayn ugu faafeen internet-ka, iyadoo Burn oo raqaska ‘noodle’ ciyaaraya uu horraantii sanadkan isna aad u faafay taasoo ka yaabisay khubarada ciyaaraha.

Hadalsame Media