(Zürich) 05 Okt 2023 – Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa go’aamiyey in kooxaha da’da yar ee Ruushku ay dib ugu soo laabtaan tartamada caalamiga ah.
Dhammaan kooxaha kubbadda cagta ee Ruushka ayaa lagu soo rogey xayiraad guud oo ay soo rogeen xiriirka kubbadda cagta Yurub iyo kuwa caalamiga ah tan iyo markii uu bilowday weerarka ay Moscow ku qaadday Ukraine.
Toddobaadkii hore, Xiriirka UEFA ayaa sidoo kale go’aansaday in la qaado xayiraadaha lagu soo rogey kooxaha junyarka Ruushka.
Xulka Qaranka Ruushka ee wiilasha iyo gabdhaha ayaa hadda loo ogolaan doonaa inay ka qaybqaataan Koobka Adduunka ee FIFA U-17 wiilasha iyo gabdhaha, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xiriirka FIFA kaddib shir ay yeesheen golihiisa dhexe Arbacadii.
Ururka caalamiga ah ayaa markaas soo qaatay go’aan kan la mid ah oo kasoo baxay UEFA, isagoo intaa ku daray in tartamada junyarka Yurub ay u shaqayn doonaan inay noqdaan “dariiqa lagu gaarayo” ama loogusoo baxayo tartamada caalamiga ah.
UEFA ayaa sheegtay bishii Sebtembar in “carruurta aan lagu ciqaabin falal ay mas’uuliyadooda si gaar ah u leeyihiin dadka waawayn” markii ay ku dhawaaqaysey go’aankeeda.
Tallaabadan ayaa waxaa soo dhoweeysey Moscow. Yeelkeede, Xiriirka kubbada cagta England ayaa muujiyey sida ay ugasoo horjeedaan go’aankan waxayna sheegeen “in Kooxaha England aanay la ciyaari doonin junyarka Ruushka.”
WELI XANNIBAADO JIRA – Go’aanka FIFA ayaa waxa uu khuseeyaa xulalka Ruushka ee ka kooban ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 17-sano, waxaana weli laga mamnuuci doonaa inay ku ciyaaraan calanka Ruushka, iyagoo isticmaalaya heesta calanka ama maaliyadda xulka qaranka Ruushka, ayaa lagu yiri qoraalka, isagoo intaa ku daray in ciyaartooyda Ruushka ay tahay inay ku ciyaaraan wax lagu sheegay ”midabbo dhexdhexaad ah.”
Waxaa sidoo kale laga doonayaa inay isticmaalaan magaca “Midowga Kubadda Cagta ee Ruushka” ama “Football Union of Russia.” Weli lama fasixin xulka waawayn ee Ruushka.