”Aniga Social-ku lacagtii waa ii diidey” – Ninkii Kitaabka gubayey oo lagu qabtay isagoo koonto qarsoodi ah Tik Tok lacag uga urursanaya (Wakaalad wareed sabab u noqotay in laga xiro)

0

(Stockholm) 05 Okt 2023 – Salwan Momika, oo ah ninka ku caan baxay gubista nuqullada Qur’aanka Kariimka ah, ayaa bilaabay inuu lacag ka baxsado khasnaddii laga xirey ee Tik Tok isagoo adeegsanaya xeelad cusub.

”Wax caawimaad ah kama helo Waaxda Adeegga Bulshada (Social), sidaas darteed waxaan ku noolahay lacagtaas. Lugahayga ayaan markaa ku istaagi karaa.” ayuu u sheegay TT xagaagan.

Tiktok ayaa waxay lafteedy lacag badan ka heshay ninkan kitaabka guba, sababtoo ah shirkaddu waxay qaadataa boqolkiiba 50 dhammaan dakhliga loogu deeqo.

Taa waxaa lagu dhaleeceeyey dhowr warbaahinood iyadoo kaddib markii ay arrintan kashiftay Wakaaladda Wararka Sweden ee TT, Tiktok ayaa dooratay inay xiro lacagihii khasnadda usoo marayey marka ay jirto baahintii tooska ahayd ee uu qaaraanka ku urursanayey, laakiin lama xirin koontada lafteeda.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu sii waday inuu si toos ah u baahiyo, laakiin taa beddelkeeda wuxuu ka codsaday taageerayaashiisa inay tabarruca usoo mariyaan Paypal.

Laakiin usbuucii hore wuxuu marka kale qaaday tillaabo kale, isagoo ku guulaystey inuu dhinac maro nidaamka oo uu dib u helo hadiyadihii lagusoo dirayey koontada Tik Tik, isagoo xeelad adeegsanaya.

Wuxuu adeegsanayaa isla sawirkiisa, laakiin wuxuu samaystay magac kale oo uu ku isticmaalayo, wuxuu mar kale ka mid noqday dadka liiska ugu sarreeya usbuucii hore. Fiidnimadii Khamiistii hore, sida ku qoran liiska app-ka, wuxuu soo ururiyey in ka badan 11,500 oo karoon (115,600 waxa loo yaqaan dheemanka).

Yeelkeede, maalintii xigtey ee Jimcaha, markii ay Wakaaladda TT su’aalo ku saabsan arrintan u dirtay Tiktok, Salwan Momika akoonkiisa cusub waa la xiray.

“Marka la eego hab-raacyada bulshada, waxaan ku caddaynay inaan meesha ka saarno koontooyinka iyo xogaha ay ku jiraan nacayb ka dhan ah dad gaar ah.” ayay tiri Parisa Khosravi, Madaxa Warfaafinta ee Tik tok ee Woqooyiga Yurub, oo sidaa ku qortay e-mail ay Jimcihii u dirtay TT.

Hadalsame Media