Wasiir muhim ah oo ka tirsan Sweden oo lagu celiyey xadka dalka Ukraine + Sabab yaab leh

0

(Kyiv) 04 Okt 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden, Tobias Billstrom, ayaa hilmaamay baasaboorkiisa, waxaana sidaa darteed u suurta geli waydey inuu Ukraine galo si uu uga qaybgalo shirka golaha Midowga Yurub ee ka dhacaya magaalada Kiev, sida uu qoray wargayska Die Presse ee Austria.

Dhowr wasiir oo reer Yurub ah ayaa ka baaqday kulanka, kuwaasoo ay ahayd in ururku uu “hiillo u muujiyo Kyiv”, laakiin ma jirto gargaar millateri oo cusub oo la siinayo Ukraine.

Ha yeeshee, waxaa ugu darnayd Billstrom oo baasaboorkiisa oo uu soo hilmaamay dartii laga mamnuucay inuu ka gudbo xadka Poland iyo Ukraine Isniintii si uu uga qaybgalo kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ku yeesheen Kiev isla maalintaas, sida ay werisey Die Presse oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed.

Billstrom ayaa seegay safar tareen oo siddeed saacadood qaadan lahaa kaasoo uu ku tegayey caasimadda Ukraine kulan shucuur muujin ahaa.

In kasta oo shir-madaxeedkan uu ahaa mid taariikhi ah oo uu calaamad u yahay markii ugu horreeysey ee Golaha Midowga Yurub uu abid ku kulmo meel ka baxsan xudduudaha Midowga Yurub, haddana wax wayn kama uusan qabanin kaalmo la taaban karo oo ay hesho Ukraine.

Hadalsame Media