RA’YI URURIN CUSUB: Dalka Ingiriiska oo ka shallaayey Brexit (Haddii la qabto afti 2-aad sidee loo codayn lahaa?)

0

(London) 04 Okt 2023 – Inta badan muwaadiniinta dalka UK ayaa u codayn doona inay dib ugu biiraan Midowga Yurub (EU) haddii afti labaad oo Brexit ah la qaban lahaa, sida ay muujinayso natiijada ra’yi ururin cusub.

Sahankan oo ay YouGov ku samaysay in ka badan 2,100 qof oo qaangaar ah oo ku nool Boqortooyada Ingiriiska oo la sii daayey Talaadadii ayaa muujisay in 51% jawaab bixiyaashu ay taageersan yihiin dib u soo celinta xiriirkii UK iyo Midowga Yurub, iyadoo 32% kaliya ay sheegeen inay taageersan yihiin aftidii ay 2016 EU kaga baxaan.

Boqolkiiba dadka doonaya inay dib ula midoobaan Brussels waxay kor u kacday 11 dhibcood tan iyo 2021-kii, markaasoo ay London si rasmi ah uga baxday Midowga Yurub.

Dhanka kale 57% dadka reer Britain ayaa sheegay in UK ay qaadatay go’aan khaldan aftidii 2016-kii ay kaga baxday EU. Tani waa tiradii ugu sarreeysey ee dareenka lidka ku ah Brexit ee laga qaado muwaadiniinta UK ee ay diiwaan geliso YouGov.

Xogtu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in mid ka mid ah shantii qof ee u codeeyay inay ka baxaan EU uu hadda u codayn doono kasii mid ahaanshaha ururka Midowga Yurub.

Toddoba sano kaddib aftidii Brexit, faa’iidooyin dhaqaale oo badan oo ay ballanqaadeen ololayaasheedii ugu firfircoon ayaan weli miro dhalin. Boqortooyada Midowday (UK) waxay weli ku jirtaa xakamaynta dhibaatada qiimaha nololeed ee bixitaanka ka dhashay, halka tirooyinka sicir-bararka ee dhowaa ay muujiyeen inuu si xowli ah u kordhayo marka loo eego waddamada kale ee waawayn ee Yurub.

Dadka dalxiis aada ee Ingiriiska ayaa waxay sidoo kale sii wadaan inay la kulmaan dib-u-dhacyo iyo safaf dhaadheer oo ku qabsada garoomada diyaaradaha Yurub, taasoo ay ugu wacan tahay kontaroollada adag ee xuduudaha Midowga Yurub.

Meelo kale, qiimaha cuntada ee UK ayaa kor u kacay sababo la xiriira saadka kala go’ay, iyo sidoo kale hoos u dhac ku yimid helitaanka shaqaalaha soo galootiga ah ee adeegyada qaar sahli jirey.

Hadalsame Media