RASMI: Koobka Adduunka oo 3 qaaradood lagu wada qabanayo markii ugu horreeysey taariikhda

0

(Hadalsame) 04 Okt 2023 – Dalalka Morocco, Portugal iyo Spain ayaa wada martigelin doona Koobka Adduunka 2030-ka.

Ha yeeshee, dalalka Laatiin Ameerika ee Uruguay, Argentina iyo Paraguay ayaa martigelin doona seddexda kulan ee ugu horreeya si loogu maamuuso sannad-guuradii 100-aad ee tartanka Koobka Adduunka oo bilaabmay 1930-kii.

Dhammaan lixda dal ee aannu soo xusnay ayaa si toos ah isreebreeb la’aan ugusoo bixi doona KA2030-ka.

Waxaana ay noqon doontaa markii taariikhda ugu horreeysey ee abid Koobka Adduunka lagu ciyaaro qaarado kala duwan (3 qaarasood).

Hadalsame Media