Qorshihii bixitaanka ciidamada ATMIS oo ay wax wayn iska bedeleen & MW Jabuuti oo ka digey bixitaankii socdey (Daawo)

0

(Muqdisho) 04 Okt 2023 – MW Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle ayaa saluugey bixitaanka Ciidamada ATMIS ee Somalia, mar uu waraysi dheer siiyey Barnaamijka ka baxa hilinka ay maalgeliso Dowladda Turkiga ee TRT.

Geelle oo waraysiga siiyey barnaamijka Africa Matters ee ay soo saarto Adesewa Josh, ayaa sheegay in Somalia ay noqon karto ”Afghanistan 2-aad” haddii haatan dalkaa laga saaro ciidamada ATMIS, isagoo sidoo kale soo dhoweeyey in ugu yaraan 3 bilood dib loo dhigo bixitaankooda.

Dalalka ciidamadan ku qaaraamay ayaa horay usoo dhoweeyey codsigii DF Somalia ee ay ahaa in dib loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS. Waloow ay dalbadeen 3-bilood oo sida muuqata aan ku fillayn, si ay dib ugu habeeyaan ciidanka xoogga.

Dhanka kale, qorshihii lagu saarayey ciidamo gaaraya 3,000 oo askari dhamaadkii bishii Sebtembar ayaa hadda laga noqday, sida uu qorayo The Economist.

Sababtuna waxay tahay welwelka laga qabo in ciidamada Soomaaliya ay awoodi waayaan inay xajiyaan ​​dhul horay looga qabsaday Al-Shabaab, oo ah koox dagaal kula jirta DF Somalia iyo Ciidamada ATMIS.

Sebtembar 30-keedii ayay AU  waxa ay ogolaatay in la hakiyo dhimista muddo saddex bilood ah kaddib codsi daqiiqaddii ugu dambeeysey Soomaaliya ka yimid waloow ay markii hore diideen, sida ay sheegeen dad badan oo arrintan wax ka ogaa.

Waxaa laga yaabaa in bayaan lasoo saaro usbuucan, kaddib kulan dhexmaraya mas’uuliyiin ka kala socota AU iyo Golaha Ammaanka QM.

Muddo kordhin kasta oo la sameeyo xitaa 3-bilood waxay u baahan tahay in laga ansixiyo Golaha Ammaanka ee MQ, oo horay u sheegay in hawlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) in aan tirada askartu ka badan 14,626 laga bilaabo bishan Oktoobar, iyadoo 2,000 ay bexeen Juun, halka 3,000 la doonayey in la dhimo Sebtembar, halka Diseembar 2024 ay ahayd inay ka wada baxaan dalka.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media