(Hadalsame) 04 Okt 2023 – Daadad waawayn oo burburiyey biyo-xireenno ayaa ka dhacay Liibiya bishii hore sababtana waxaa lagu sheegay in waddanku uu weli la ildaran yahay la’aanta dhaqaale lagu dayactiro kaabayaasha taasoo ka dhalatay ololihii millateri ee NATO ay dalkaa ku burburisey in ka badan toban sano kahor, sida uu sheegay khabiir dhanka biyaha ah, Abdewanees Ashoor, oo u warramay RT.
Laba biyo-xireen oo ku yaalla magaalada Derna ee dalka Liibiya ayaa habeenimadii Sebtembar 10-11 la kulmay cillado masiibo ahaa taasoo sababtay inay celin waayaan biyihii ay kicisay duufaantii Daniel.
Daadadku waxa ay baabi’iyeen dhammaan goobihii la degganaa, Bisha Casna waxa ay ku qiyaastay in ugu yaraan 11,000 oo qofi ay ku dhinteen, 10,000 oo kalena ay weli maqan yihiin musiibadaa darteed.
Isagoo la hadlayey RT Talaadadii, Khabiirkan ku takhasusay Biyaha ee Ashoor ayaa soo jeediyey in waxyeellada dalkaa kasoo gaartay faragelintii NATO ay dalkan ku yaal Woqooyiga Afrika ay 2011kii u keentay dhibaatadan oo kale.
“Maalmihii hore ee kacaanka Liibiya, qof kastaa wuxuu u dabaaldegayey faragelinta NATO iyadoo dadku ay kasoo horjeedaan nidaamkii Qadaafi oo ay dalbadeen in dalka laga saaro. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe waxaan ogaaney in dalka ay hareeysay fowdo,” ayuu yiri Caashor. “Kaddib faragelintan, waxay [NATO] awoodi waayeen inay dalka kusoo dabbaalaan xasillooni.” ayuu raaciyey.
Khabiirku waxa kale oo uu rumaysan yahay in hoggaaminta liidata, marka lagu daro musuqmaasuqa maaliyadeed – gaar ahaan marka la eego dhaqaalihii loo qoondeeyry dayactirka biyo-xireenada ee maqan – uu horseeday burburka dhacay.
Sida laga soo xigtey Ashoor, “waxaa Liibiya ka jirta dayactir la’aan baahsan” waxaana jirey “warbixinno badan oo hore usoo jeediyey digniin ku saabsan tan [musiibadan].”
Hadalsame Media