”Marka aan dhalinno maxay nooga dhaliyaan?!” – Laacib Hojlund & Varane oo faraha isku fiiq fiiqay

0

(Manchester) 04 Okt 2023 – Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Rasmus Hojlund ayaa tooshka ku shiday saaxiibadiisa daafaca ah – maalin kaddib markii Raphael Varane uu ku baaqay in weeraryahannada kooxdu ay noqdaan kuwo wax ku ool ah isagoo hadlayey kaddib markii laga dhaliyey seddex gool guuldarradii kasoo gaartay Galatasaray.

Xili ciyaareedkii United ayaa sii xumaaday kaddib markii ay 3-2 ku garaacday Galatasaray koobka Champions League habeenkii Talaadada ahaa ee xalay, taasoo uu laacibka £72 milyan ee ginni xagaagii ay kula soo wareegtey uu laba gool ka dhaliyey, balse Rasmus Hojlund ma faraxsana.

“Waqtigan xaadirka ah ma samaynayno wax nagu filan,” ayuu Hojlund u sheegay MUTV isagoo farta fiiqaya.

“Waxaan u baahan nahay inaan xasuusanno inaysan ahayn in goolal nakala dhaliyo islamarkiiba aan annagu dhalinno kaddib. Waxa aanu hadda soo aragnay dhawr kulan oo ay goolal naga dhalanayeen islamarkii aanu gool dhalinno.” ayuu raaciyey.

Faallooyinkan Hojlund ayaa imanaya maalin uun kaddib markii Varane uu ugu baaqay weeraryahannada United inay muujiyaan wax ku oolnimo si ay wax ugu beddelaan bilowgooda liita ee xilli ciyaareedkan.

Hadalka Hojlund ayaa sidoo kale ku jeeda qabtaha qaaliga ugu fadhiya kooxdaasi ee Onana oo labadii kulan ee ugu dambeeyey 7 gool laga xareeyey.

Hadalsame Media