(Muqdisho) 04 Okt 2023 – Mucaaradka Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa mar aan dheerayn la fariistay ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine, kaasoo ku sugan xarunta dhexe ee Howlgalka ee caasimadda Muqdisho.
Siyaasiyiintan iyo Maamulka ATMIS ayaa ka wada hadlay dhexdhexaadnimada ATMIS ee xiisadda siyaasadeed ee gobolka iyo safarka wefdigu uu dhowaan ku tagi doono magaalada Baydhabo.
Dood xiiso leh oo ku saabsan sida loo sugayo amniga mucaaradka iyo doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay u wada yeeshay Maraykanka iyo siyaasiyiin ay ku jiraan Professor Maxammed Cusmaan Jawaari, Sharif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh, Ilyaas Cali iyo wefdi kale oo ay ku jiraan hormuudka siyaasiyiinta KG.
Maraykanku waxa uu kulankaa oo dhacay 2-dii Oktoobar ku taageeray in la raaco habab dimoqraadi ah, xor ah, cadaalad ah, islamarkaana daah-furnaan ku dhisan, kuwaasoo u ogolaanaya musharrixiinta inay si buuxda galaangal ula yeeshaan codbixiyayaasha.
Interesting discussion about security and elections in South West State with Professor Mohammed Osman Jawari, Sharif Hassan Sheikh Adan, Mohamed Mursal Sheikh, and delegation. The United States supports democratic processes that are free, fair, transparent, and allow candidates… pic.twitter.com/89Rmgo3kZw
— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) October 2, 2023
Hadalsame Media