(Muqdisho) 04 Okt 2023 — Shalay waxaa ku beegnayd sanad-guuradii 30-aad ee kasoo wareegtey dagaalkii Muqdisho ku dhexmaray taageerayaasha Jen. Max’ed Caydiid iyo ciidamada gaarka ah ee Rangers-ka, gaar ahaan Qaybta 75-aad ee Ranger Regiment.
Dagaalkan, ayaa ka dhashay kaddib markii ay Ciidamadii Maraykanka ee ka tirsanaa UNITAF ay heleen xog ku saabsanayd in Caydiid oo ay berigaa raadinayeen uu ku jirey guri ku yaalla agagaarka Hoteel Olombig ee magaalada Muqdisho 3-dii Oktoobar 1993-kii.
Haddaba, Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka kaga hadashay maamuus ay sheegtay inay u samaysay askartii halkaa looga diley Maraykanka oo tiro ahaan gaarayey 18 askari, kuwaasoo qaarkood maydkooda lagu jiidjiidey jidadka Muqdisho.
”Maanta, Safaaradda Maraykanka ee Somalia waxay qabatay daqiiqad aamusnaan ah oo lagu sharfayo Xubnihii Ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Muqdisho Oktoobar 3-4, 1993-kii.” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda oo aan lagu xusin boqollaalkii Soomaalida ahaa ee iyana maalintaa dhintay oo ay ku jireen dad rayid ahaa.
Yeelkeede, dadwaynaha ayaa aad uga fal-celiyey qoraalka Safaaradda iyagoo ku dhaliilay inay iska indha tirtay dhibannayaashii rayidka ahaa iyo Soomaalidii kale ee iyana dagaalkaa maalintaa ku dhintay.
”Aawaye kunkii Soomaalida ahaa ee iyana lagu diley dagaalkaasi?” ayuu is waydiiyey mid ka mid ah dadka ka fal-celiyey qoraalka Safaaradda, halka qaar kale ay soo qaateen tacaddiyo kale oo ay gaysteen askarta Maraykanka, Canada IWM.
Halkan hoose ka eeg jawaabaha…
Today, @US2Somalia held a moment of silence to honor the 🇺🇸 U.S. service members killed in Mogadishu October 3-4, 1993.” #30thAnniversary pic.twitter.com/5Rv20Ur3vE
— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) October 3, 2023
Hadalsame Media