(Hadalsame) 04 Okt 2023 – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Poland, Mariusz Kaminski, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii kaga dhawaaqay in xukuumadda Poland ay ka hirgelin doonto kontarool ku meel gaar ah xudduudda uu dalkaasi la wadaago Slovakia.
Talaabooyinka la midka ah ayaa sidoo kale waxaa qaaday dowladaha Austria iyo Czech Republic, si wax lagaga qabto dad badan oo tahriib ah oo xadadkooda iskaga gudbaya.
Kaminski waxa uu sheegay in labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ay masuuliyiinta Poland ogaadeen oo ay xireen guud ahaan 551 muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugnaa xadkoda iyo in tirada muhaajiriinta sharci-darrada ahi ay korodhay 1000% marka loo eego sannadkii hore.
Poland iyo Slovakia labaduba qayb ka ah aagga Midowga Yurub ee loo yaqaan Schengen Zone, taasoo la micno ah in inta badan aysan jirin kontaroolo xuduudeed oo u dhexeeya labada waddan oo ay tahay inay iskugu gudbaan fiise iyo koontorool la’aan.
Hadalsame Media