(Hadalsame) 04 Okt 2023 – Waxaa lasoo saaray liiska 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya marka ay timaado jabnaanta qiimaha lagu iibsado internet-ka laga bilaabo Juun ilaa Sebtembar-tii dhammaatay.
Waxaa dalalkaasi kaalinta 1-aad uga jira dalka Malawi oo halkii GB lagu iibsado $0.38 oo cent ama wax ka yar nus doollar, waxaana ku xiga dalalka Nigeria iyo Ghana.
Dalkeenna Somalia ayaa isna 4-aad ku jira, waxaana halkii GB la siiyaa lacag dhan $0.50 ama nus doollar, iyadoo Somalia ay dunida kaga jirto kaalinta 45-aad.
1)- Malawi $0.38(29aad)
2)- Nigeria $0.39 (31aad)
3)- Ghana $0.40 (33aad)
4)- Somalia $0.50 (45aad)
5)- Democratic Republic of Congo $0.52 (49aad)
6)- Rwanda $0.55(52aad)
8)- Kenya $0.59(57aad)
9)- Morocco $0.63(60aad)
10)- Egypt $0.65 (62aad)
Isha: Business Insider Africa
Hadalsame Media