(Biejing) 03 Okt 2023 – Markab-cireedka Chandrayaan-3 ee Hindiya ayaa la sheegay inaanu ka degin ama xitaa u dhowaanin cirifka koonfureed ee dayaxa, sida uu qabo saynisyahanka Shiinaha ee Ouyang Ziyuan.
Xilli Shiinuhu uu qorshaynayo inuu gaaro isla cirifkaa sanadka soo socda, xafiiltanka saynis ee u dhexeeya Beijing iyo New Delhi ayaa sii kululaaday.
Chandrayaan-3 ayaa ka degey dayaxa 23-kii Agoosto isagoo ku sugan loolka ama latitude 69 darajo, taasoo saynisyahano Hindi ahi ay ku sheegteen inuu ka mid yahay cirifka koonfureed ee dayaxa.
“Tani waa khalad,” Ouyang ayaa sidaa u sheegay wargayska Science Times ee ku hadla afka Shiinaha usbuucii hore, sida laga soo xigtey Bloomberg. “Goobta ay ku degtey Chandrayaan-3 kuma taal cirifka koonfureed ee dayaxa, mana aha meel xitaa u dhow cirifka koonfureed ee dayaxa.” ayuu ku dooday.
Ouyang wuxuu ku dooday in halka loolka 69 darajo ee Dhulku uu ku beegan yahay gudaha wareegga cirif qaboobaha Antarctic, dayaxa oo dheelli yari ku jiro waxay ka dhigan tahay in cirifka koonfureed uu u dhexeeyo 88.5 iyo 90 darajo.
Marka haddaba la eego qeexitaanka saynisyahan Ouyang, Chandrayaan-3 waxa ay ku degtey meel 619 kiiloomitir (385 mayl) u jirta gobolkaas, sidaa darteed, Hindiya been ayay sheegtay.
Ouyang waa nin yaqaan cilmiga qaab samaysanka xiddigaha iyo hawada sare (cosmochemist) iyo qaab samaysanka dhulka (geochemist), waxaana loo arkaa aabaha barnaamijka sahminta dayaxa ee Shiinaha.
Hadalsame Media