”Waxaan ka dagaallamay dalal badan balse abid ma arag wax aan u dhigo geesinnimada Soomaalida” – Askari Muqdisho ka dagaallamay oo ka qiseeyey dagaalkii film-ka laga sameeyey

0

(Fort Benning, GA) 03 Okt 2023 — Jeff Struecker oo 23 sanadood ka mid ahaa ciidamada gaarka ah ee Rangers-ka, gaar ahaan Qaybta 75-aad ee Ranger Regiment, islamarkaana kasoo dagaallamay dalalka Panama, Iraq iyo Afghanistan, ayaa sheegay inaysan jirin wax loo dhigi karo dagaalkii uu jidadka Muqdisho ku galay 1993-kii.

“Waxaan soo galay dhowr dagaal Somalia kahor iyo kaddib, balse weligay ma arag geesinnimadii aan ka arkay Soomaalidii ka dagaallamaysey jidadka Muqdisho, Somalia,” ayuu yiri Struecker, oo ka mid ahaa 18 ruug caddaa oo ku jirey dagaalkaas oo la yiraahdo  ”Operation Gothic Serpent” oo haatan la siiyey billad geesi.

“Wax Somalia usoo dhowaan karaa ma jiraan. Waxaan ula jeedaa xitaa usoo dhowaan kara.” ayuu carrabka ku adkeeyey Struecker oo billada lagu siiyey qalcadda Fort Benning, oo ku taalla Gobolka Georgia.

Struecker, ayaa warkiisa ula jeeda dagaalka Muqdisho looga yaqaan ”Dagaalkii Rangers-ka” oo Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Maraykanka iyo dalal kale oo taageerayey vs malliishiyaad taabacsanaa Jeneraal Caydiid 3-dii Okt 1993-kii, kaasoo laga sameeyey filimka laga sameeyey buugga aadka u gadmay ee “Black Hawk Down”.

Silver Star oo ah billada la siiyey Struecker waa tan 3-aad ee ugu sarreeysa Maraykanka marka laga hadlayo billad geesi oo idil, isagoo sheegay inay jireen askar isaga ka mudnayd oo aan maanta halkan joogin oo dagaalkaa ku dhintay.

Maraykanka ayaa dagaalkaa oo maanta oo kale dhacay haatanna 30 sanadood laga joogo lagaga diley 18 askari.

Hadalsame Media