(Muqdisho) 03 Okt 2023 – NISA OO TAAKEEYE GACANTA KUSOO DHIGTAY
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed.
Ninkan ayaa waayihii dambe faafinayey afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay aragtiyaha kooxaga xag-jirka ah.
Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
”Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyey warbaahinta DF.
Ninkan ayaa sidoo kale ku eedaysan dil la sheegay inuu u gaystey dad weriyeyaal ah xilliyadii dagaallada sokeeye.
Hadalsame Media