(Stockholm) 05 Okt 2021 — Bishii Sebtembar ayaa ahayd bishii ugu dhimashada badnayd ee dalka Sweden muddo todobo sano ah marka la eego dilalka gaangiska, iyadoo dhowr jeer ay ka dhaceen toogashooyin iyo qaraxyo. Kor u kaca rabshadahan ayaa la xiriiriyey isku dhacyada ka dhex jira shabakada dembiilayaasha “Foxtrot”. 12 Qofood ayaa dhintay 21 maalmood gudohood.
Waxaa ka mid ah dhimashada sii kordhaysa tan iyo xagaagii hore, dhowr qof oo la rumaysan yahay inay siyaabo kala duwan ula xiriiraan dagaalka kooxaha burcadda ah. Dhibbanayaasha ugu da’da yar ayaa jirey 13 iyo 14 sano oo keliya. Milo, oo 13 jir ah, ayaa madaxa laga toogtey – falkaas oo lala xiriiriyey kooxaha burcadda ah.
Toogashooyin khaldamay: Rabshadaha ayaa sidoo kale saameeyey dadka aan wax xiriir ah la lahayn dembiyada, kuwaasoo ay ku jiraan Soha Saad, ardayad 24 jir ahayd, oo ku dhimatay qarax ka dhacay Storvreta, iyo Erik Viiri oo 71 jir ahaa, oo lagu toogtey Baar ku yaal magaalada yar ee Sandviken.
Sebtembar 12, Mogos Amanuel Tesfemariam oo 25 jir ahaa ayaa u baxay shaqada daryeelka lagu bixiyo guryaha (hemtjänsten). Intii uu halkaas usii socdey, waxaa lagu khalday bartilmaameed kale oo ay doonayeen kooxaha burcadda ah, waxaa lagu toogtey jaranjarada meel uu shaqo u tegey.
”Dalka Sweden waxa uu ka mid yahay dalalka ugu xun Yurub marka la eego rasaasta iyo qaraxyada, heerka aynu arkayno bishan waxa laga yaabaa inuu yahay kan ugu xun Yurub.” ayay tiri Manne Gerell oo ku takhasustay dembiyada kana tirsan jaamacadda Malmö, islamarkaana baarta juqraafiga dembiyada, rabshadaha kooxaha gaangiska ee xaafadaha ajnabigu u badan yahay.
Khamiistii RW Ulf Kristersson oo khudbad la jeediyo xilliyada ay xasaradaha iyo dagaalladu jiraan jeediyey, ayaa qiray in waxa Sweden ka socdaa aysan jirin wax u dhigma, isagoo Jimcihiina la kulmay Abaanduulka Xoogga Sweden, Micael Bydén iyo Taliyaha Booliiska Anders Thornberg, kuwaasoo uu markii ugu horreeysey lasoo qaaday bal sida uu millaterigu kaga qaybqaadan karo dagaalka lagula jiro gaangiska.
Halkan ka arag sida ay wax u dheceen oo faahfaahsan & Sawirrada….
Hadalsame Media