Sida lagusoo qabtay & Inta hay’adood ee ka qaybqaatay xirista Taakeeye (Howlgalku maanta ma dhicin?)

0

(Muqdisho) 03 Okt 2023 – NISA OO TAAKEEYE GACANTA KUSOO DHIGTAY

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed.

Ninkan ayaa waayihii dambe faafinayey afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay aragtiyaha kooxaga xag-jirka ah.

”Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyey warbaahinta DF.

GOORMA & SIDEE LAGU SOO QABTAY? labada Sirdoon ee NISA oo Somalia ah iyo NIS oo Kenya ah ayaa iska kaashaday soo xirista Sufyaan, iyadoo saraakiil ka tirsan NISA ay arrinkaa Kenya u tageen, si ay howlgalka uga qaybqaateen.

Howgalka lagusoo xiray Taakeeye ayaan hadda dhicin, balse wuxuu ahaa bishii hore waxaana la keenay magaalada Muqdisho waloow maanta uun la shaaciyey, sida ay ilo xog ogaal ihi u sheegeen Hadalsame Media.

Hadalsame Media