Qaab cusub oo lagu xallinayo khaladaadka garsoorayaasha EPL oo lasoo jeediyey (Waa maxay?)

0

(London) 03 Okt 2023 – Garsoorihii hore ee Premier League ee Mark Clattenburg ayaa ku baaqay in ciyaartooydii hore ee xirfadleeyda ahaa lagusoo daro go’aamada VAR mar uu la hadlay Mail Sport qaybtiisii u dambaysey ee ‘It’s All Kicking Off’.

Todobaadkii u dambeeyey ee kulamada Premier League waxa ka dhacay muran kale oo VAR la xiriira kaddib guuldarradii 2-1 Liverpool kasoo gaartey Tottenham oo kooxda Reds laga inkiray gool sax ahaa.

Natiijo ahaan, doodo ku saabsan in la adeegsado ciyaartooydii hore gaar ahaan dhanka go’aan qaadashada ayaa sidoo kale dib u soo cusboonaatay, iyadoo garsoorihii hore ee Clattenburg uu sheegay in tallaabadani ay faa’iido u leedahay oo keliya garsoorayaasha ku sugan xarunta VAR ee Stockley Park.

“Steve Baines waxa uu noqday garsoore horyaalka kubada cagta ah heerka 2-aad, waxa uuna ahaa ciyaaryahan hore waana arrin shaqeeysay, waxana aan aaminsan ahay in ciyaartooydii hore lagusoo daro go’aannada VAR,” ayuu Clattenburg u sheegay “It’s All Kicking Off ‘.

“Waxaan filayaa in tani ay caawin doonto garsoorka. Markaa waxa ay samaynayaan waa laba ama saddex garsoore iyo ciyaaryahan hore oo qolka ku jira oo marka rigoore lagu baaqo ka wada hadli kara saxnimadiisa,” ayuu raaciyey.

“Waxaan u malaynayaa inay taasi caawin doonto gaar ahaan aqoonsiga khaladaadka, aqoonsiga kaararka cas ee muuqda. Haa dhammaanteen waxaan raacnaa shuruucda, tusaale ahaan waad garanaysaa faawalkii usbuuca dhammaadkii uu sameeyey Curtis Jones Waxaan u malaynayaa in garsoore kasta uu dhihi lahaa waa kaar cas.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media