”Hooyadeey guryaha ayay tirtiri jirtey aabahayna…” – Xakiimi oo ka qiseeyey nolosha adag ee uu kusoo koray

0

(Paris) 03 Okt 2023 – Daafaca reer Marooko ee daafaca dadabka midig uga dheela kooxda PSG ee dalkaasi Faransiiska ayaa ka sheekeeyey qiso xanuun badan oo ku aaddan faqriga uu kusoo barbaaray.

Ashraf Xakiimi oo haatan ka mid ah xiddigaha ugu taajirsan kubbadda cagta oo ah nin lagu yaqaan inuu hooyadii baarri u yahay isagoo xitaa hantidiisa magaceeda ku qoray, ayaa ka hadlay xiriirka isaga iyo waalidkii ka dhexeeya.

“Hooyaday waxay nadiifin jirtey guryaha, aabahayna wuxuu ahaa nin waddooyinka wax ku iibiya,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Xakiimi.

”Waxaan ka nimid qoys danyar ah oo nolosha la hardama, hadda maalin kasta waan u dagaallamaa, wixii ay waalidkay ii hureen aniga.” ayuu raaciyey.

Watch: How Morocco's Achraf Hakimi celebrates win over Belgium with his  mother at the stadium - News | Khaleej Times

Hadalsame Media