(Biejing) 03 Okt 2023 – Xiddigaha xagaagan kusoo biiray kooxda AC Milan ayaa badankoodu waxay noqdeen kuwo durba kooxda la qabsaday oo bandhiggooda lagu qancay islamarkaana qaar badani waxayba ka mid yihiin safka koowaad.
Magacyada waawayn ee AC Milan u safta ee ay durba dhacday inay kooxaha waawayn ee Yurub xiisaynayaan suuqa kala iibsiga ee soo aaddan ayaa waxaa ka mid ah xiddig uu isha la raacayo Pep Guardiola oo layliya Man City.
Sida laga soo xigtey Calciomercatoweb.it wuxuu Guardiola diyaar la yahay inuu laacibkan oo xagaagan uun 20m oo euro uga yimid AZ Alkmaar ku bixiyo ugu yaraan 50 milyan oo euro si Tijani Reijnders u keeno horyaalka Premier League.
Tijani oo lambarka 14-aad u qaata AC Milan, ayaa ka mid ah xiddigaha xagaagan loo keenay inay bedelaan Sandro Tonali oo xagaagii 70m oo euro kula biiray kooxda Newcastle United, wuxuuna durba kusoo baxay xiddig taageerayaasha Milanista-ha ah illowsiiyey Sandro.
Hadalsame Media