(Ankara) 02 Okt 2023 – Turkiga ayaan waxbo ka filayn Brussels, isagoo tobannaan sano sugayey inuu xubin ka noqdo Midowga Yurub, sida uu sheegay Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.
“Waan ilaalinay dhammaan ballamihii aan u qaadnay Midowga Yurub, laakiin ma aysan xajin tooda,” ayuu yiri hoggaamiyaha Turkiga oo khudbad u jeediyey baarlamaanka dalkaasi, oo kasoo baxay fasaxii xagaaga Axaddii.
Ankara “waxba dambe kama filayso Midowga Yurub, kuwaas oo na geliyey inaan sugno 60 sano,” ayuu ku adkaystay MW Turkigu.
Madaxda ku sugan Brussels ama waxay “sixi doonaan khaladaadkooda” haddii ay ka tanaasulaan habka “caddaalad-darrada” ee ka dhanka ah Turkiga, gaar ahaan marka ay timaado bixinta fiisaha muwaadiniinta Turkiga, ayuu yiri Madaxwaynaha Turkigu.
“Haddii aysan sidaas yeelin, waxay si buuxda u lumin doonaan xuquuqda iyo waxa ay naga filayaan,” ayuu ka digey, iyadoo ay dhici karto inay Turkigu fiise kusoo rogaan dadka ka imanaya EU.
Turkiga ayaa ka cawday bilihii lasoo dhaafay tirada sii kordhaysa ee muwaadiniinteeda loo diidayo codsigooda fiisaha Schengen, inkasta oo Midowga Yurub uu diidey inuu caqabado kale hor dhigayo Turkiga.
Hadalsame Media