Trump oo lagusoo oogey dacwad ku saabsan inuu hub sharci darro ah haysto

0

(Washington, DC) 02 Okt 2023 – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa laga yaabaa inuu jabiyey sharciga hubka haddii uu soo iibsaday, sida lagu andacoonayo, qori gacmeed, xilli uu ku guda jirey eedaymo federaali ah intii uu socdey ka joojinta ololihii ugu dambeeyey ee South Carolina, sida ay dacwad oogayaasha ku sheegeen dacwad maxkamadeed oo cusub.

“Waxay noqon doontaa dembi federaali ah oo dheeraad ah, oo sidaas darteed xadgudub ku ah shuruudaha sii daynta eedaysanaha, inuu iibsado qori iyada oo eedaymo kale oo dambi ay madlan yihiin.” ayaa lagu yiri dacwadda cusub.

The court filing adds that Trump said he had “got to buy one” and that a campaign staffer uploaded a video clip on social media saying, “President Trump purchases a [Glock] in South Carolina!” The staffer later deleted the social media post and clarified that the former US president did not buy or take possession of the firearm.

Trump oo ah musharraxa ugu cad cad doorashada madaxtinimada Maraykanka ee 2024-ka, ayaa waxaa la guddoonsiiyey bistoolad nooca Glock ah taasoo uu siiyey milkiilaha dukaan lagu iibiyo hubka ee ku yaalla Summerville, South Carolina horraantii toddobaadkan.

Dacwadda maxkamadda ayaa intaa ku dartay in Trump uu sheegay in uu “iibsaday qori” iyo in shaqaale ol’olaha ka mid ahi uu muuqaal soo galiyey baraha bulshada isagoo leh, “Madaxwayne Trump wuxuu iibsaday bastoolad Glock ah!” Qofkan ayaase markii dambe ka tirtiray qoraalkii baraha bulshada, waxaana uuna sheegay in Madaxwaynihii hore ee Maraykanku uusan iibsanin oo uusan gacanta xitaa ku dhigin wax hub ah.

Ololaha Trump ayaa markii dambe soo saaray bayaan, isagoo leh: “Madaxwayne Trump ma iibsan mana qaadan hub. Waxa uu kalita si fudud u tilmaamay inuu doonayo inuu gato.”

Trump ayaa waxaa horay ugu oognayd dacwado heer federaal ah oo ay ku jirto inuu hor istaagey natiijadii doorashada madaxtinnimada Maraykanka ee 2020-kii. Marka ay qofka dacwadi ku socoto looma ogola inuu hub iibsado ama gacanta ku dhigo oo haysto.

Hadalsame Media