(Hadalsame) 02 Okt 2023 – Shirkadda Tiktok ayaa bilaabaysa barnaamij cusub oo dadka sameeya fiidiyowyada ay lacag badan uga samayn karaan bartan bulsho. Barnaamijkan cusub ayaa tartan xoog leh lagu la gelayaa baraha Facebook iyo YouTube, oo aad uga fac weyn TikTok islamarkaas na horey u ahaa barahii bulsho ee ugu horreeyay ee ay lacag ka sameeyaan dadka muuqaaladda sameeya.
Shirkadda Tiktok ayaa bilaabaysa barnaamij cusub oo dadka sameeya fiidiyowyada ay lacag badan uga samayn karaan bartan bulsho.
Barnaamijkan oo la yiraahdo Creativity Program Beta wuxuu qofka u suurto galinayaa inuu galin karo bartiisa Tiktok fiidiyowyo kuwii hore ka dhaadheer, lacagta uu ka samayn karana ay intii hore ka badan tahay. Barnaamijkan ayaa lagu beddelay kii la oran jiray creator fund.
Lacagta laga samayn karo barnaamijkan ayaa ku xiran sida ay u shaqeeyaan fiidiyowyada waafaqa shuruudaha barnaamijka. Lacagta “abaalmarinta” ayaa marka la xisaabayo waxaa lagu qiimeeyaa in fiidiyowga uu shuruudaha soo buuxiyey iyo dakhliga kunkii fiirsasho ee fiidiyowyadaas shuruudaha soo buuxiyey (RPM).
Qof kasta oo lacag ka samayn jiray barnaamikii Creator fund ayaa barnaamijkan cusubna lacag ka samayn kara sida ay shirkaddu sheegtay.
Lacagta uu qofku ka samayn karo waxay ku xirnaan kartaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin sida ay dadku ula falgalaan fiidiyowga, asal ahaanshaha macluumaadka, gobolka laga daawaday fiidiyowga, iyo u hogaansanaanta shuruucda iyo tilmaamaha.
Xaddiga lacagta ayey shirkadda Tiktok sheegtay inuu dhowr goor ka badan yahay intii laga samayn jiray baranaamijkii hore. Dadka fiidiyowyada leh waxay “abaalmarin” badan ku heli karaan hadba sida fiidiyowyadoodu u shaqeeyaan.

Barnaamijkan oo dhowr bilood kaliya socda waxaa shuruudaha qofka doonaya inuu lacag ka sameeyo ka mid ah in akoon uu ku leeyahay Maraykanka, ugu yaraan inuu jiro 18 sano, in ay bartiisa ku xiran yihiin ugu yaraan 10,000 oo akoon, iyo in 30ka maalmood ee ugu dambeeyey fiidiyowyada laga daawaday bartiisa ay gaarayaan 100,000 oo daawasho.
Fiidiyowyada sharci ahaan noqon kara kuwo shuruudda ka soo baxay waxaa ka mid ah kuwa ugu yaraan 1000 goor la fiirsaday, kuwa aan lagu samayn barnaamijyada Duet iyo Stitch, Fiidiyowyo tayadoodu aad u sarrayso, kuwo aan ahayn masawir (Photo) aan dhaqdhaqaaq lahayn, iyo kuwo aan looga gol-lahayn xayeysiis in lagu sameeyo.
Dadka baraha ku leh Tiktok ayaa ku biiri kara barnaamijkan Beta, ayadoo aysan waxba iska beddeli doonin tirada dadka ama akoonnada iyaga ku xiran, laakin arrinta muhiimka ah ayaa waxay tahay dalalka ilaa hadda la iska diiwaan gelin karo. Marka laga yimaado Maraykanka, dadka shuruudaha soo buuxiya ee jooga dalalaka Baraasiil, faransiiska, Jarmalka, Japan, Kuuriyada koofureed iyo UK ayaa ka qayb gali kara, waxayse shirkaddu sheegtay in ay sii balaarin doonto tirada dalalka uu ka shaqeynayo barnaamijkan.
Shirkadda waxay qiyaasaysaa in seddexda sano ee soo socota ay lacag gaaraysa hal Bilyan oo Doollar siin doonto dadka Fiidyowyada sameeya. Arrintan ayaa dadka aadka u daraaseeya dhaqdhaqaaqa baraha bulshada waxay ku tilmaameen mid khatar ku ah baraha kale ee ay ka midka yihiin Youtube iyo Facebook. Barahaas ayaa iyagana lacag laga sameeyaa marka fiidiyowyo la geliyo.
Maalintiiba waxaa barta Tiktok iminka lagu qiyaasaa inay isticmaalaan 1 Bilyan oo akoon/qof. Sanooyinkii u dambeeyey wxaa aad u soo badanayey Soomaalida isticmaasha Tiktok, kuwaasoo isugu jira dad bulshada magac ku dhex leh sida jilayaal, fanaaniin, cayaartoy, aqoonyahanno, madax, hay’ado dawladeed, kuwo ganacsi, shirkado adeegyo bixiya, hay’adaha warbaahinta iyo shakhsiyaad soo caan baxay markii uu Tiktok hanaqaaday.
Muddadaas waxaa isa soo tarayey qaabka ay dadkaas lacagta uga sameeyaan Tiktok iyo farriimaha iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin. Dawladda Soomaaliya ayaa isku dayday inay joojiso baro bulsho o TikTok uu ka mid yahay, kuwaasoo ay u cuskatay in lagu faafiyo arrimo dhaqanka iyo anshaxa ka soo hor jeeda. Amarkaas oo la soo saaray 20 Agoosto ayaan ilaa hadda dhaqan gelin

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE
Soomaaliya ayaa shaacisay bishii Agoosto in ay mamnuucday TikTok, app-ka farriimaha lagu wadaago ee Telegram iyo barta online-ka ee 1XBet ee qamaarka lagu dheelo, si loo xaddido wararka been abuurka ah, sida uu sheegay wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Soomaaliya.
“Wasiirka isgaarsiinta wuxuu amrayaa shirkadaha internet-ka inay joojiyaan aaladahan, oo argagixisada iyo kooxaha kale ay u adeegsadaan faafinta sawirrada naxdinta leh iyo been abuurka oo ay u gudbiyaan bulshada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.
Xubno ka tirsan al-Shabaab ayaa la sheegay inay dhaqdhaqaaqooda kusoo wadaagaan baraha TikTok iyo Telegram. Laakiin go’aankii wasiirka ma uusan dhaqangelin kadib markii uu diidmo xoogan kala kulmay dhalinyarada ku xiran bartiisa, oo uu ka mid yahay Bilaal Bulshaawi oo ka mid ah dhallinyarada ugu caansan baraha bulshada, islamarkaas na loogu yeero ‘Madaxweynaha TikTok’.
Bilaal ayaa berrigaas ka digay in saameyn weyn oo dhaqaale ay ku yeelan karto dalka iyo dhalinyarada ba haddii uu dhaqangalo go’aanka dowladda, isaga oo sheegay in ay waqti dheer qaadan kareyso in la helo il dhaqaale oo kale.
Sidee hadda lacag looga sameeyaa TikTok?
BBC-da ayaa la hadashay labo qof oo app-kan isticmaala ayna u suurtagashay inay lacago ka sameeyaan. Waxay noo sheegeen in ay jiraan habab kala duwan oo dhaqaale looga heli karo TikTok.
Xaggey ka timaadaa lacagta?
Maxamed Al-Ghandour waa khabiir ku xeel dheer habka suuq geynta loogu sameeyo dhinaca obline-ka iyo baraha bulshada, oo mid ka mid ah uu yahay TikTok. Isaga qudhiisa waxa uu bartaas ku leeyahay qiyaastii nus malyan qof oo ku taxan bogiisa. Wareysiga uu siiyay BBC-da laanteeda afcarabiga ayuu ku sharraxay saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok.
1- Taageero toos ah
Qaabka ugu horreeya waa “caawinaad toos ah”, taasoo dadka isticmaala TikTok ay bixiyaan mararka ay daawanayaan muuqaallo toos loo baahinayo, halkaasoo qof kasta uu ku yaboohi karo inuu si samafal ah ugu deeqo lacag uu siinayo qofka muuqaalka leh, taas oo uu ku muujinayo mahadcelin iyo sida uu uga helay xogtaas loo soo gudbiyay ama madadaalada. Lacagtaas marka dambe shirkadda TikTok ayaa xoogaa yar ka reebata ka hor inta aan loo sii gudbinin qofka loo waday.
2- Xayeysiin suuq galin ah
Qaabka labaad waa hab heshiis ah oo xayeysiin suuq galin ah loogu sameeyo shirkadaha, taasoo Al-Ghandour uu ku tilmaamay sida lacagta ugu badan looga helo TikTok. Shirkado cayiman ayaa lasoo xiriiraya qofka waxayna ka codsanayaan inuu u suuq galiyo badeecooyinkooda kaddibna waxa uu gado laga siiyo saami la isku afgartay. Qofka taageerayaasha badan leh waxa uu sidaas ku suuq galinayaa wax soo saarka shirkadda isagana lacagtii ayuu wax ka helayaa, waxayna mar walba ku xiran tahay sida uu u dadaalo iyo sida ay taageerayaashiisu u badan yihiin.
Al-Ghandour waxa uu diiradda ku saaraa TikTok xayeysiimo uu u sameeyo shirkado iibiya qalabka online-ka loo isticmaalo. Waxa uu sheegay in mararka qaar saamiga dadka qaabkan wax u xayeysiiyo ay helaan uu gaari karo ilaa 60% iyo wax kasii badan oo ka mid kharashka sheyga la iibiyay. Al-Ghandour, oo ah nin hadda ku jira da’da soddomeeyada, waxa uu noo sheegay in alaabta uu heshiiskan ku iibiyo uu bil walba ka helo lacag dhan 1,000 ilaa 3,000 oo doolar. Hase yeeshee isagu gabi ahaanba TiokTok uguma tiirsana dhaqaale ahaan, maadaama uu agaasime ka yahay shirkad qalabka korontada iibisa oo fadhigeedu yahay Sacuudiga.
3- Talooyin la siiyo dadka
Qaabka saddexaad ee lacag looga helo TikTok waa in dadka kugu xiran la siiyo talooyin dhinacyada kala duwan ah, markaasna TikTok waxaa loo adeegsanayaa oo kaliya in lagu soo gudbiyo adeeggaas. Cashirradaas ayaa dadka tooska u soo dalba looga qaadaa lacag u qalanta adeegga la-talin ee la siinayo. TikTok waa adeeg u furan qof walba oo doonaya inuu isku soo bandhigo shakhsi ahaantiisa iyo waxa uu doonayo inay dadka kale ka faa’iidaan.
BBC
Hadalsame Media