”Tani waa musallif fikradeed” – MW hore ee Hirshabeelle oo weeraray xiritaanka Buundada Beledwayne

0

(Beledwayne) 02 Okt 2023 – MW hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa aad uga xumaaday qorshaha lagu xirey buundadii isku xireysey magaalada Beledwayne ee caasimadda Gobolka Hiiraan.

Waare ayaa wuxuu dadka buundada oo isku xirta Galbeedka iyo Bariga magaalada wuxuu faray inay keenaan qorshe aan ahayn in magaalada la kala xiro.

”Waxaan dareemayaa xanuunka Beledwayne, oo bartilmaameed gaar ah u ah Al-Shabaab halkaasoo ay la beegsadeen qaraxyada gawaari lagusoo raray. Laakiin tani xal maaha,” ayuu yiri Waare.

Tani waa musallif dhanka fikradda ah, waa xil gudasho la’aan hoggaamineed, iyo laba jeer dhibidda dadwaynaha. Fur buundada oo wax ka qabta amniga.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media