Pizza-da Domino’s oo si la yaab leh ugu maadsatey kooxda Chelsea (Xisaab ay soo bandhigtay)

0

(London) 02 Okt 2023 – Shirkadda Pizza-da ku caan baxday ee Domino’s ayaa waxa ay sii wadaan jeesjeeskoodii aan joogsiga lahayn ee ay ku hayeen Chelsea iyada oo Blues ay iyana sii waddo halganka ay ugu jirto sidii ay u shidan lahayd dabka afka hore ee ka dansan si uu culaysku uga dego Mauricio Pochettino.

Blues ayaa ilaa hadda dhalisay shan gool oo qura dhanka Premier League – saddex ka mid ahina waa hal kulan oo ay 3-0 kaga badiyeen Luton – waxayna sitaan saddex guuldarro oo xiriir ah oo min 1-0 ah kahor kulanka derby-ga galbeedka London ee ay la leeyihiin Fulham habeenkan Isniinta ah.

Kaddib khasaarihii ugu dambeeyey – guriga Aston Villa  – Domino’s waxay arrinta la tagtay X si ay ugu dhawaaqdo inay daabuleen ‘qiyaastii 852,609 oo pizza’ tan iyo markii ay goolkii ugu dambeeyey ay Blues ka dhaliyeen horyaalka.

Weliba sida ay u dhib badan yihiin, silsiladda cuntada fudud ee Maraykanku waxay foorjada gaarsiiyeen heer cusub, iyaga oo meeleeye toos ah (live tracker) oo dhijitaal ah dhigay bannaanka garoonka Fulham kaasoo xisaabinaya inta jeer ee ay Pizza laga dalbaday geeyeen halkii looga baahnaa (delivery).

Qiyaasta hore, ee la sameeyay toddobaad kahor, waxay u muuqataa mid yar marka la barbardhigo tirooyinka uu muujiyey raadraacahan, kaasoo sheegaya in ilaa 9,892,022 oo Pizza la geeyey ilaa subaxnimadii Isniintan, welina tiradu waa socotaa.

Hadalsame Media