(Liverpool) 02 Okt 2023 – Kooxda Liverpool ayaa shalaytoole iyadoo qaadday tallaabo aan horay loo arag oo ah inay soo saarto bayaan ku saabsan go’aan ay ku eedaysay Jamciyadda Garsoorka PGMOL oo ay sheegtay inay wiiqayso sharafta ciyaaraha, taasoo uu Gary Neville ku tilmaamay ‘mid aan caddayn oo hujuumi ah’.
Yeelkeede, Reds waxaa haatan ganaaxay FA-ga Ingiriiska oo ka doonaya inay bixiso £25,000 oo gini ‘anshax-xumo darteed’ kaddib guuldaradii 2-1 ee kasoo gaartey Tottenham Hotspur isbuuc dhamaadkii.
Reds ayaa ciyaarta ku dhameysatay sagaal nin kaddib markii Curtis Jones iyo Diogo Jota laga saaray, laakin goolkii laga inkiray Luis Diaz ee muranka dhaliyey ayaa noqday mid ruxay horyaalka EPL oo aalaaba lagu xanto garsoor xumo.
Si kastaba, Liverpool ayaa bayaan kaga jawaabtay habeenimadii Axada iyadoo sheegtay in guuldarrooyinka PGMOL ay keentay in ‘dhaqdhaqaaqa ciyaaraha la wiiqo’, kaas oo Gary Neville uu ku tilmaamay ‘mid aan caddayn oo gardarro ah’.
Haatan, Si kastaba, waxaa la fahamsan yahay in Liverpool lagu ganaaxi doono isla natiijada ciyaartaas oo ay ka qaateen siddeed kaar oo iskugu jira jaalleyaal iyo roosooyin, taasoo keenaysa in la anshax mariyo, sida laga soo xigtay Liverpool Echo.
Hadalsame Media