(Milano) 02 Okt 2023 – Zlatan Ibrahimovic ayaa 18-kii bishii tagtay ee Sebtembar booqday xerada tababarka Milanello kahor kulankii furitaanka heerka guruubyada ee Champions League ee ay 0-0 la galeen Newcastle United oo uu San Siro ku daawanayey 2 maalmood kaddib.
Kulanka xilligaa dhexmaray jookarka Sweden iyo kooxda Rossoneri ayaa la sheegay inuu ahaa mid la filayey oo horay loosii qorsheeyey si uu ciyaartooyda u dhiirrigeliyo, waloow ay saxaafadda kedo ku noqotay waxaana horay loogu ballansanaa inuu soo salaamo dhammaan kooxda oo uu ka fariistay.
MAAMULKA MIYUU KU BIIRAYAA? Weeraryahankii hore ee Sweden ayaa la hadalqaaday inuu ku biiro kooxda sida inuu noqdo Agaasimaha Kooxda. Haatan waxaa kaddib hadalkii kabtankii hore ee Franco Baresi oo ku gaabsaday ”inay isaga uun ku xiran tahay”, ka hadlay Guddoomiyaha AC Milan ee Paolo Scaroni, presidente del Milan, oo waraysi siiyey Rai GR Parlamento oo waydiiyey soo guryo noqodka Ibrahimovic.
“Zlatan wuxuu kaloo xitaa joogay garoonka Sabtigii (Kulankii dhowaa ee Milan vs Lazio). Waxa uu la kulmay milkiile Cardinale, kulan ayuu deeto aniga ila qaatay kaddibna Furlani. Hadda waxa uu qaadanayaa sanad nasiino ah,” ayuu yiri Scaroni.
”Marka uu diyaar u noqdo inuu aqbalo aragtida soo noqoshada, waan ku farxi doonaa inaan si wadajir ah wax isula sahminno isaga.” ayuu raaciyey.
Hadalsame Media