(Hadalsame) 01 Okt 2023 – Isagoo ka hadlayey dib u furista Baarlamanka Turkiga goor dhowayd, Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in weerar argagixiso oo lala beegsaday xarumaha booliiska ee ku yaal caasimadda Turkiga ee Ankara taasoo muujinaysa in argagixisadu ay ku dhimanayso dalkiisa oo ay naftu kasii socoto, isagoo ku daray hadal ahaa “Argagixisadu marnaba ma awoodaan inay gaaraan waxa ay rabeen.”
Hadalka Erdogan ayaa yimid kaddib markii labo askari oo booliis ahi ay dhaawacmeen kaddib markii mid ka mid ah labo nin oo argagixiso ihi uu isku qarxiyey afaafka hore ee Agaasinka Guud ee Amniga ee caasimadda Turkiga ee Ankara subaxnimadii hore ee saaka.
Erdogaan oo khudbad ka jeediyey furitaanka fasalka cusub ee sharci dejinta ee baarlamaanka ayaa sheegay in falka argagixisanimo uu yahay “dhammaadkii argagaxisada”.
Waxa uu sheegay in argagixisadu ay ku guuldaraysteen “isku daygii ugu dambeeyey” ee ay ku doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta. “Ma aysan gaarin hadafkoodii, mana gaari doonaan weligood,” ayuu u sheegay xubnaha baarlamaanka, isagoo intaa ku daray in Turkigu uu sii wadi doono xaqiijinta in xudduudaheeda koonfureed ay ammaan ka noqdaan argagixisada dibedda.
Edogan waxa uu xusay in argagixisanimada kooxda gooni-u-goosadka ah ay Turkiga khasaare wayn ugu gaysatey 40-kii sano ee la soo dhaafay, balse hadda inta badan arrintaa lagu xalliyey gudaha xuduudaha Turkiga oo wax laga qabtay.
Waxa uu ula jeedaa kooxda PKK oo kumanaan qof ku laysay, gaar ahaan koonfurta bari ee Turkiga. Turkiguna waxa uu wadaa dadaallo dhinacyo badan leh oo ka dhan ah argagixisada waxa uuna inta badan beegsadaa xubnaha PKK ee ku sugan Ciraaq iyo Siiriya iyaga oo u adeegsada howlgallo ay ka wadaan xuduudaha.
“Waxaan si dhab ah u sii wadi doonnaa halgankeenna ilaa laga ciribtirayo argagixisada ugu dambaysa, ha ahaato Turkiga gudihiisa ama dibedda.” ayuu yiri.
Waxa uu farta ku fiiqay in istiraatijiyadoodii amniga guud ee ku dhisnayd in laga sugo amniga “meel ugu yaraan 30 kiiloomitir u jirta xudduudkeenna koonfureed iyo wixii ka shisheeya” ay weli sideedii tahay.
Madaxda caalamka ayaa iyaguna aad u cambaareeyey weerarka lagu qaaday caasimadda Turkiga iyagoo taageero u muujiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga.
Hadalsame Media