Lukaku oo aan u dabbaaldegin goolkii uu Roma u dhaliyey + Sababta (Daawo)

0

(Roma) 01 Okt 2023 – Romelu Lukaku ayaa goolka koowaad u dhaliyey kooxdiisa qaybtii hore ee Roma-Frosinone laakiin ma uusan dabbaaldegin, isagoo haatan sharraxay sababta ay taasi ku dhacday.

Lukaku ayaa dhaliyey goolkiisii seddexaad ee Seria A caawa kulan gurigooda Roma ku dhexmaray kooxdiisa Roma iyo Frosinone.

Waxa uu kubad ka helay jookarka Paulo Dybala, isagoo diilinta ganaaxa ugu dhex gooyey daafaca Ciociari, isaga oo dhulka yaallana shabaqa la helay kubbad xoog leh.

Yeelkeede, Belgian-kani ma dabbaaldegin maadaama uu u malaynayey inuu hobseed ku jiro. Sida ay soo warisey DAZN, Lukaku ayaase islamarkiiba eegay calan-hayaha kaddib markii uu dhaliyey goolka, waxaana uu farta ku fiiqay Dybala, kaasoo caawiye ka ahaa goolka.

Hadalsame Media