(Liverpool) 01 Okt 2023 – Tababaraha xulka kubbada cagta North Korea ee Sin Yong Nam ayaa difaacay ciyaartooydiisa kaddib markii ay dhawr jeer iskula dhaceen garsoorihii ciyaarta garoonka dhexdiisa kaddib markii ay guuldarro 2-1 ah ka soo gaadhey Japan siddeed dhammaadka ciyaaraha Asia ee 23-jirrada ee ka dhacday Hangzhou Axaddii maanta.
Kabtanka Kuuriyada Woqooyi ee Jang Kuk Chol iyo saaxiibkiis Kim Kyong Sok ayaa si kulul ugu caroodey garsoore Rustam Lutfullin kaddib afuufiddii seerigii ugu dambeeyey, iyagoo ku cayrsaday garsooraha reer Uzbek bartamaha garoonka xilli uu isku dayayey inuu baxo.
Iyadoo iska horimaadku uu sidoo kale dhex maray ciyaartooyda, caawiyayaasha garsoorayaasha iyo dhowr ka mid ah shaqaalaha ammaanka, tababaraha Kuuriyada Woqooyi ayaa sidoo kale u cararay dhanka ciyaartooydiisa si uu iskugu dayo inuu xaaladda dejiyo.
Ciyaartooyda Woqooyiga Kuuriya ayaa bilowgiiba ka caroodey markii Lutfullin uu rigoore ku abaalmariyey Japan kaddib markii goolhaye Kang Juh Yok uu soo baxay oo uu lugaha u qaaday Jun Nishikawa isagoo gacantiisu fidsan tahay.
Isagoo cacmaha lulaya madaxana ruxaya, Kang oo xanaaqsan ayaa la dooday garsooraha kahor inta uusan Yuta Matsumura kubadda guusha ka dhalinin daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta si uu Japan uga caawiyo u gudbitaanka wareegga xiga ciyaartii ku dhex martay garoonka Xiaoshan Sports Center Stadium.
Hadalsame Media