“Wax baan ogahay” – Booliiska Nevada oo qabtay nin loo haysto khaarajintii Tupac Shakur

0
In this combination photo, Tupac Shakur attends a voter registration event in South Central Los Angeles on Aug. 15, 1996, left, and Notorious B.I.G., winner of best rap artist and rap single of the year, appears at the Billboard Music Awards in New York on Dec. 6, 1995. The late rappers are being united for an auction at Sotheby’s, the first-ever dedicated hip-hop auction at a major international auction house. Bidders will be able to vie for the crown worn and signed by the Notorious B.I.G. during a 1997 photo shoot held three days before he was killed in Los Angeles. They’ll also get to bid on an archive of 22 autographed love letters written by Shakur at the age of 15 to a high school sweetheart. (AP Photo)

(Las Vegas) 30 Sebt 2023 – Booliska gobolka Nevada ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabay nin lala xiriirinayo inuu ka dambeeyey dilkii 27 sano kahor lagu khaarajiyey fannaanka caanka ah ee Tupac Shakur oo lagu diley marinka Las Vegas, sida ay sheegtay warbaahinta oo soo xiganaysa ilo-wareedyo.

Dambiyo ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu soo oogo ninkan marka dacwadda rasmiga ah lasoo bandhigo maanta.

Sebtembar 7, 1996-kii, ayaa rapper-ka la toogtey iyadoo lala helay 4 xabbo isagoo sugaya samaafaraha gawaarida haga oo istaajiyey waxaana wehliyey Agaasimihii shirkad muusigga duubta, Suge Knight, wax yar kaddib markii uu ka tegey ciyaar feer ah oo uu lahaa Mike Tyson. Todobaad kaddib ayuu u dhintay dhaawacii soo gaarey.

Fannaanka ayaa 25-sano jir ahaa xilliga uu dhimanayey, iyadoo uu kiiskiisu noqday mid ka mid ah dilalka ugu caansan ee aan weli la xallin ee soo mara taariikhda dhow ee muusigga Maraykanka.

Sida ay sheegayaan warar kala duwan, ninka la xiray ayaa magaciisa lagu sheegay Duane ‘Keffe D’ Davis, inkastoo aan weli la shaacin nooca saxda ah ee eedaymaha loo haysto.

Yeelkeede, Davis ayaa wuxuu horay u qirtay 2019-kii isagoo adeegsanaya xusuus-qorkiisa aan waxba la qarin ee ‘Compton Street Legend’ inuu saarnaa gaarigii Cadillac-ga ahaa ee laga soo ganay rasaasta lagu toogtey Shakur.

Waxa uu sidoo kale horay u sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ugu dambeeyey ee marqaatiga ka ahaa toogashadaasi.

Hadalsame Media