Taiwan oo soo bandhigtay hub naadir ku ah farsamadeeda oo ay “mucjiso” ku tilmaantay + Sawirro

0

(Taipei) 30 Sebt 2023 – Taiwan ayaa daaha ka rogtey markabkeedii ugu horreeyey abid ee gujis ah oo gudaha Taiwan laga sameeyo, iyadoo hoggaamiye Tsai Ing-wen ay rajaynayso in tallaabadani ay jasiiradda ka dhigto mid “isku-filan.”

Waxaa ku baxday $1.5-bilyan oo Doollar iyadoo loogu magac daray “hubka sixirka ee dagaalka aan qumanayn” ee ay kula jiraan Beijing.

Tsai waxay goobjoog ka ahayd xafladda soo bandhigidda markabkan gujiska ah, oo loo dejiyey inuu noqdo kii ugu horreeyey ilaa 8 markab oo cusub oo howlgeli doonaa 2025-ka.

Waxay ku biiri doonaan laba gujis ee qura ee kale oo hadda ka mid ah raxanta maraakiibta dagaal Taipei, oo labadaba laga iibiyey Netherlands dhowr iyo afartan sano kahor.

“Waagii hore, markab gudaha laga sameeyey ayaa loo tixgalin jirey howl aan macquul ahayn. Laakiin, maanta, waxaa indhaheenna hor fadhiya markab ay sameeyeen dadka dalkeennu,” ayay tiri, iyadoo raacisay “Taiwan waa inay qaaddaa tallaabadan si ay siyaasadda difaaca qaran ay u noqoto mid la isku hallayn karo.”

Ku dhawaaqistan ayaa timid iyadoo ay jiraan digniino isdaba joog ah oo ka imanaya saraakiisha Taiwan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa millateri ee Shiinaha ee hawada iyo biyaha jasiiradda, iyadoo Wasiirka Difaaca, Chiu Kuo-cheng, uu dhowaan tilmaamay dhoollatusyo “dhul, bad, hawada iyo berri-biyoodka ah” oo ay Shiinuhu ka sameeyeen aagga jasiiraddan.

 

Hadalsame Media