Nin aad saanad ahaan aad muhim ugu ahaa Shabaabka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho + Xog dheeraad ah

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2023 – Yaan sida KENYA hadda laaluush lagu sii dayn SAKARIYE!

Magaciisu waa Sakariye Kamaal Suufi oo ku magacdheer Abasheikh Saki. Waxa uu ku dhashay dalka Kenya, waxa uu se ku barbaaray, waxna ku bartay dalka Chine. Injineernimada iyo Ganacsiga ayaa kamida waxyaabaha uu Chine ka soo bartay. Sannadkii 2020-ka ayaa uu Nayroobi ku soo laabtay isaga oo halkaa ka hirgeliyay shirkadda Zaks Enterprises oo ka shaqaysa dhoofinta iyo soodajinta badeecadaha kala duwan. Wuxuuna ku xiray dalka Chine. Shirkaddu waxay inta badan ka shaqaynaysay Kenya iyo Chine.

Billowga sannadkan qandaraas ay bixisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Kenya ayaa ku guulaysatay shirkadda Zaks ee uu Sakariye hirgeliyay. $13M ayaa ku baxayay qandaraaskaasi. AE-MOTI-281723-GO-RFP waa nambarka qandaraaska ay Wasaaraddu siisay. Waxyaabihii la soo gadayay waxaa kamid ahaa diyaaradaha Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn iyo agabyo kale. Sababka diyaaradaha Droneska loo soo iibinayo ayaa Wasaaradda ku sheegtay in loo adeegsanayo ilaalinta iyo la socodka beeraha, caafimaadka, deegaanka iyo amniga.

Sakariye kolka uu agabkii keenay waxa uu qayb kamida u sii gudbiyay Alshabaab (AS). Waxyaabaha uu soo dhoofiyay waxaa ka mid ahaa:

1- 5 JS Crop Drones
2- Boqolaal litir oo dareeraha laga sameeyo qaraxyada.
3- Diiradaha qoriga ee sahla bartilmaamedka
4- Dharka Tuutaha Ciidanka
5- Qalabka aragtida habeenkii loo isticmaalo, sida in gaari aan u daarnayn leydhka inuu dhulka uu doono iyo masaafada uu doono uu ku socdo ayadoo qalabkaa habeen-aragga ah loo isticmaalayo kaxeyntiisa, taasoo ka caawin lahayd weerarada ay ku guureeyaan xiliyada mugdiga ah xeryaha ciidamada ku sugan gobolada dalka.
6- Jaakadaha qaraxa iyo bustayaal.
7- qalabka ciidamdu u isticmaalaan dabaasha fog.
8- qalabka wax lagu jaajuuso, sida qalimaanta leh cod-duubista ama muuqaal duubista.
9- Koofiyado adag IWM.

Billowga bishii March ayaa AS weerartay Dhismaha buundada Kwa Omollo ee Lamu, waxayna ku dishay afar kiinyaan ah iyo hal Shiinays ah. Weerarkaasi waxaa lagu gaystay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dhammaadkii April waxay Hay’adaha ammaanka ee Kiinya soo qabteen Sakariye oo ay ku eedeeyeen la shaqaynta AS. Waxayna la xiriiriyeen weerarkii dhismaha buundada ee Drone-ta lagu gaystay. Waxaa taleefankiisa laga helay xogo badan.

Xogahaasi waxaa kamid ahaa in saddex kunteendhar oo saanad ciidan ah uu ka soo iibiyay dalka Chine, islamarkaana uu ku soo dhexqariyay shixnad ganacsi oo Muqdisho u socotay. Markiiba Hay’adaha ammaanka ee Kiinya waxay la xiriireen Chine, iyaga oo wax ka weydiiyay saddexda kunteendhar. Chine way xaqiijisay iibsashadooda.

Kiinya waxay markale la xiriirtay Soomaaliya. NISA ayaa baaritaan u gashay Kunteendharadii ka soo degay Dekedda Muqdisho oo aan weli ka bixin, waxayna qabteen labo kamida, iyaga oo warbaahinta la wadaagay dhammaadkii bishii May. Lamayaqaano kii saddexaad halka uu maray, waxaa se loo badinayaa inuu gaaray AS.

Waxyaabihii ku jiray saddexda kunteendhar waxaa kamid ahaa; JS Crop Drones, boqolaal litir oo dareeraha laga sameeyo qaraxyada, diiradaha qoriga ee sahla bartilmaamedka, dharka tuutaha ciidanka, teendhooyin, qalabka aragtida habeenkii loo isticmaalo, sida gaari aan nal u daarnayn inuu dhulka uu doono iyo masaafada uu doono uu ku socdo ayadoo qalabkaa habeen-aragga loo isticmaalayo kaxeyntiisa, taasoo ka caawinaysa weerarada ay ku guureeyaan xilliyada mugdiga, jaakadaha qaraxyada, bustayaasha habeenkii khal-khaliya diyaaradah wax duqeeya, qalabka ciidamadu u isticmaalaan dabaasha fog, agabka wax lagu basaaso, sida qalimaanta leh cod-duubista ama muuqaal duubista, koofiyado adag IWM.

Hay’adaha ammaanka ee Kiinya ayaa shakigoodii sii weynaaday kolka ay Chine iyo Soomaaliya xogaha kunteendharada ka soo xaqiijiyeen, waxayna Sakariye horgeeyeen Maxkamadda iyo Garsoore Yusuf Aballah Shikanda, waxa uuna Garsooraha dalbaday in la sii baaro kiiska iyada oo la ballamay 20-ka September.

Waxaa se Sakariye la waayay dhammaadkii July iyada oo qaar ehelkiisa iyo qareenadiisa kamida ay walaac ka muujiyeen halka la geeyay ama uu jiro. Waxaa se bishii August soo baxday xog sheegaysa in laaluusha dhan $10K lagu sii daayay midaa oo buuq ka dhalisay guud ahaan Kenya, waxaana maalmihii u dambeeyay aad wax uga qorayay kiiska Sakariye warbaahinta madaxabannaan ee dalka Kenya.

Garsoorka, Gaashaandhiga iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayay dadku su’aal iska weydiinayeen sida uu uga baxsan karo ama ay u sii dayn karaan Sakariye oo khatar ku ah amniga dalkooda iyo dadkooda, weliba leh xiriiro caalami ah.

Sakariye Kamaal Suufi ayaa ah 28 jir ganacsade oo haysta dhalashada laba dal oo Chine iyo Kenya kala ah, waxa uuna ka soo jeedaa magaalada Baraawe. Shalay Jimcihii ayay Nisa qabatay iyada oo ku sheegtay inuu yahay maskaxda iyo madaxa shabakadda AS u qaabilsan soo iibinta hubka iyo saanadda ciidanka oo si dhuumaalaysi ah ku tagi rabay dhulka ay AS ka taliso.

W/Q: Aw Dacar & Maahir Jaamac

Hadalsame Media