(Stockholm) 29 Sebt 2023 – Dowladda Sweden ayaa waxay gargaarka ay bixiso u adeegsan rabtaa doodaha socdaalka iyo dib u celinta dadka sharciga loo diido waxayna ku hanjabtey inay kala noqonayso gargaarka dalalka aan kala shaqayn celinta dadkaasi.
Yeelkeede, gargaarka Sweden ee ay dowladuhu toos u helaan waa xaddi yar – ku dhowaad dhammaan gargaarka waxa loo dhiibaa jilayaal aan dowladda ahayn, sida NGO-yada IWM.
Bishii Maajo, Wasiirka Gargaarka iyo Wasiirka Socdaalka Sweden ayaa warqad u diray Dowladda Soomaaliya. Warqadda oo ay SVT aragtay ayaa waxaa waxyaabaha ku qoran ka mid ahaa in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan dadka laga celinayo Sweden oo muddo dheer ka mid ahayd dalalka deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya, haddii taa la waayana ay hadda dib u eegis ku samaynayso gargaarka.
Wasiirka ayaa dadka la celinayo ku tilmaamay kuwa aan xaqa u lahayn inay joogaan Sweden, balse sababo kala geddisan dartood aan dib ugu noqon dalkooda.
”Ujeedadu waxay ahayd in la hoosta ka xarriiqo in dowlad cusubi (xilligaas) ay doonayso inay howlaha celinta beddesho iyo inay ku baraarugaan isbeddelkan ku yimi siyaasadda gargaarka ee Iswiidhan,” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka, Johan Forssell (M), isagoo xusay inay gargaarka ay bixiyaan ku shuruudayn doonaan inay dowladaha qaataa aqbalaan haddii loo celiyo dad dalkaa u dhashay.
Qaar ka mid ah dhinacyada qaata kaalmada Sweden ee loogu tala galay Soomaaliya ayaa tillaabadan dhaleecayn u jeediyey walaacna ka muujiyey.
”Waa inaysan u isticmaalin gargaarka sidii qalab lagu xallinayo siyaasadda qaxootiga.” ayuu yiri Philemon Jazi, oo ah Agaasime Goboleedka hay’adda Diakonia ee Afrika.
Hadalsame Media