(Milano) 29 Sebt 2023 – Sida laga soo xigtey warqaadka dhaqaalaha isboortiga wax ka qora ee Calcio&Finanza warbixinnadeedii saaka, AC Milan ayaa waxay diiwaangelisey miisaaniyad wax ku ool ah oo faa’iido ah oo ku dhow 6 milyan oo Euro, sida lagu sheegay kulankii Guddiga Agaasimayaasha kooxda oo shalay ku shiray Casa Milan.
Natiijooyinka noocan oo kale ah looma diiwaan gelin kooxda casaan-madowga muddo 17 sano ah: markii ugu dambaysay ee ay Milan faa’iido diiwaangeliso waxay ahayd 2006-dii markaasoo ay gaartey 2.5 milyan oo euro.
Isbeddelkan wanaagsan ayaa ka yimid kor u socod dhowr soo socdey muddo sano ah oo marba marka ka dambaysa lasii dhimayey qaamaha kooxda, tusaale, xilli ciyaareedkii hore Milan waxay diiwaangelisey qaan dhan 66 milyan oo Euro:
Waxaa sii dheer, in mashruuca garoonka ay kooxdu dhisan rabto ee ay wadaan maamulka RedBird ay ujeedadeedu tahay in si joogto ah loo hagaajiyo dakhliga kooxda xilliyada soo socda.
Dakhliga guud ee aan saafiga ahayn (gross) ee Milan usoo xarooday xilli ciyaareedkii hore, sida saxda ah ee ay qortay isla C&F, waxa uu kor u dhaafay €400 milyan oo Euro, waana mid rikoodh ah marka la eego taariikhda AC Milan
Yeelkeede, marka kharashaadkii iyo wax kasta la bixiyey ayay haatan soo hartay €6milyan oo euro oo nadiif ah (net profit), marka la eego farqiga u dhexeeya dakhliga iyo faa’iidada nadiifka ah.
Hadalsame Media