Xulka Somalia oo doortay inuu kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ku ciyaaro dal ka mid ah kuwa Afrika ugu horumarsan (Hal cillad oo jirta)

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2023 – Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa guri ahaan (Home) u isticmaali doona garoomada dalka Morocco marka ay ciyaarayaan kulamada isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.

Sidoo kale, halkaas ayey isku diyaarin doonaan kahor kulamada dhan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee soo socda oo lagu qaban doono dalalka Maraykanka, Mexico & Canada.

Waxaa halkaas la isugu keeni doonaa ciyaartooyda laga xuli doono dalka & kuwa banaanka (qurbaha) laga soo xuli doono, si ay tababar ugu wada qaataan.

Arintaan waa go’aan maanta kasoo baxay guddiga fulinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo maanta isugu yimid shirkooda saddex biloodlaha ah.

Guruubka Somalia ay ku jirto ayaa waxaa sidoo kale kula midaysan dalalka Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique, Botswana iyo Somalia.

Waxaase xusid mudan in Somalia ay dal aysan Marooko is jeclayn kula ciyaarayso gudaha Marooko, waana dalka Aljeeriya. Sidoo kale, Marooko aad bay uga fog tahay Somalia, waloow ay u sahlan tahay laacibiinta ka imanaysa Yurub iyo xitaa Maraykanka maadaama ay xigto dhanka woqooyi ee qaaradda.

Hadalsame Media