(Napoli) 28 Sebt 2023 – Qannaaska reer Argentina ee Mauro Icardi ayaa weji gabax la kulmay kaddib markii weeraryahanka Galatasaray uu darbo gool furan ah bannaanka mariyey marki loo mar-taabtay rigoore loo dhigay horyaalka Turkiga Super Lig.
Kooxda Galatasaray ayaa daqiiqaddii 37-aad heshay fursad ay hoggaanka ugu qaban lahayd kooxda Istanbulspor kaddib markii lagu abaal mariyey kubbad gool ku laad ama rigoore ah.
Icardi ayaa la arkayey isaga oo kubbadda u dhiibaya xiddigga ay isku kooxda yihiin ee Kerem Akturkoglu si uu u laado rigoorada.
Akturkoglu ayaa se khiyaanay qabtaha David Jensen isagoo doortay inuu rigoorada u taabto Icardi, kaasoo laakiin shabaqii oo maran dibedda mariyey kaddib markii uu is tuuray goolhayaha Danish-ka ah.
Weeraryahanka Galatasaray ayaa si la yaab leh u toogtey bartilmaameed maran, taasoo ka yaabisay saaxiibbadiisa kooxda Gala iyo macallin Okan Buruk, kuwaas oo si aan aanay rumaysan karin isu eeg eegay.
❌ Galatasaray, penaltı atışından yararlanamadı! #TrendyolSüperLig #İSTvGS pic.twitter.com/qBNeuRPieX
— beIN SPORTS Türkiye (@beINSPORTS_TR) September 26, 2023
Hadalsame Media