Reer Galbeedka oo arrin adag ku cadaadinaya Zelensky & MW Sheegay inay tuuri rabaan

0

(Washington, DC) 28 Sebt 2023 Saraakiisha Ukraine ayaa dhegaha iska mariyey baaqyada ka imaanaya reer Galbeedka ee taageera ee ah inay qabtaan doorashooyinka baarlamaanka iyo Madaxwaynaha, iyadoo sharciga dagaal ee lasoo rogey uu mamnuucayo arrintaas, sida ay werisey Washington Post.

Dhowr siyaasiyiin reer Galbeed ah, oo ay ku jiraan Tiny Kox, madaxa Golaha Baarlamaanka Yurub, iyo Senatarrada Dimoqraadiga ah ee Maraykanka sida Richard Blumenthal iyo Elizabeth Warren, ayaa ku boorriyey Kiev inay qabato doorashooyin, sida ay warbixintu tiri.

Dadaalkooda waxaa sidoo kale taageeray Senator Lindsey Graham, oo ku tilmaamay codbixinta Ukraine mid aan ahayn oo kaliya “ficil diidmo ah oo ka dhan ah duullaanka Ruushka, laakiin sidoo kale muujinaysa qoorqooraysiga Ukraine ee dimoqraadiyadda iyo xorriyadda.”

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtey saraakiisha Ukraine iyo khubarada ay waraysatay jariidaddu, qabashada doorashada ee waddan uu ka jiro iskahorimaad wayn “waa wax aan macquul ahayn oo sidoo kale talo xumo ah.”

Jahawareerka ayaa salka ku haya joogitaanka ciidamada Ruushka ee gobollada Ukraine oo ay ku andacoonayso inay iyagu leeyihiin ama ku biireen, iyo sidoo kale in malaayiin qof ay ka carareen dalka, tobannaan kun oo askarina la geeyey goobihii ay degannaayeen.

Saraakiisha Kiev ayaa lagu soo warramayaa inay rumaysan yihiin in codbixin wayn ay u baahan tahay maamullada maxalliga ahi ay uga gudbaan caqabadaha waawayn ee maaliyadeed, saad iyo sharci.

Qaar ayaa la sheegay inay ka feejigan yihiin in Ruushkau uu doorashada uga faa’idaysto isagoo abuuraya kala qaybsanaan, uu hannaanka soo dhex galo, deetana Ukraine uu gudaha ka wiiqo.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey maqaalka lagu qoray Washington Post, Kiev ma diidi karto baaqyada doorashooyinka ee soo gaaraya iyadoo aan halis gelinin taageerayaasheeda reer Galbeedka, kuwaasoo u ah ilo muhim ah oo dhaqaale iyo taageero millateri ah.

Sharci millateri, ayaa markii ugu horreeysey lasoo rogay wax yar kaddib bilawgii dagaalka Ruushka bishii Febraayo 2022-kii, wuxuu mamnuucayaa qabashada doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka Ukraine. Bishii Juun, Madaxwayne Vladimir Zelenksy ayaa wuxuu sheegay in codbixintu ay dhici karto oo kaliya marka ay dhammaato colaaddu.

Dhanka kale, Washington ayaa waxay ogolaatay in meesha laga “saaro” Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky maadaama uu noqday nin khushmaan badan, sida uu hoggaamiyaha Belarus ee Alexander Lukashenko ka sheegay kulan uu la yeeshay xukuumaddiisa.

Si madaxbannaan se looma xaqiijin karo jiritaanka warkan.

West preparing to ‘dump’ Zelensky – Lukashenko

Hadalsame Media