(Barcelona) 28 Sebt 2023 – Garsooraha baaraya lacago ay Barcelona siisay Guddoomiye Xigeenka Guddiga Garsoorka Spain ayaa go’aamiyey in Madaxwaynaha hadda ee Joan Laporta iyo labo kale oo Madaxwaynayaal hore ah ay maxkamad usoo taagi karaan laaluush.
Kiis kasta oo maxkamadeed ayaa si dhab ah u halis gelinaya ka qaybgalka Barcelona ee Champions League xilli ciyaareedka soo socda waxaana ay sidoo kale saamayn kartaa daymaha kala duwan ee ay ku bixiyeen lacag dhan €1.5bn (£1.14m) ee dib u dhiska garoonkooda Camp Nou.
Naadiga ayaa markii hore waxaa lagu baarayey dembiyo musuqmaasuq ah, si kastaba ha ahaatee tani hadda waxay kasii daraysaa howshii socotey.
Jose Maria Enriquez Negreira, ayaa ahaa Guddoomiye Xigeenka Guddiga Garsoorka ee Xiriirka Kubbadda Cagta Spain, sidaas darteed, waxaa loo arkaa inuu ahaa shaqaale dowladeed xilligii lacagahan la siinayey.
Natiijo ahaan, Laporta iyo laba kale oo Madaxwaynayaal hore ah ayaa lagu soo oogi karaa laaluush iyada oo lagu salaynayo inay axsaan ka iibsadeen madax dowladeed.
Barcelona ayaa Negreira siisay lacag dhan €7.3milyan oo Euro (£6.3m) intii u dhaxaysey 2001 ilaa 2018-kii.
Hadalsame Media