(Hadalsame) 28 Sebt 2023 – Ugu dambayn waxaa dhacday markii maleeshiyada al-Shabaab ay aad u fogaadeen oo xadka ka bexeen, in beeraleeyda iyo xoolaleeyda Soomaaliyeed ay u adkaysan waayeen, ayaa lagu bilaabeen maqaal dheer oo uu Wall Street Journal ka qoray Somalia.
Waxay ka bilaabatay Hiiraan, oo ah gobol ay ku nool yihiin nus milyan qof oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya. Kooxda al-Shabaab, laanta Soomaaliya ee al-Qaacida, ayaa muddo toban sano ah gacanta ku haysey inta badan aaggaasi. Bishii Maajo 2022-kii, waxay caburintu gaartey halkii ugu sarreeysey.
Waxay toogteen oday beeleed caan ahaa. Waxa ayna dhallinta degaanka kusoo dareen safafkooda is qarxinta iyo dagaalyahannada. Iyadoo ay jirto abaartii ugu dheerayd ee nolosha la xusuusto, al-Shabaab waxay dadka xoola dhaqatada ah canshuur ahaan kaga qaadi jireen saddex ama afar sac mar kasta oo ay xoolahoodu kallan yihiin si ay uga cabbaan ceelasha dadwaynaha.
Waxaa qoraalka lagu sheegay inay dagaalka qayb laxaad leh ka qaateen Ciidanka Komaandooska uu Maraykanku tababaray ee Danab oo xoreeyey 20 magaalo iyo 80 tuulo, taasoo uu ku tilmaamay guushii ugu waynayd ee uu Maraykanku kasoo hooyo Somalia.
Waxay soo qaateen warkii Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee Lloyd Austin oo Axaddii sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse waxa uu ka digey in kooxdan argagaxisada ahi ay weli “ka dhoofin karaan howlo argagaxiso meelaha aan la maamulin”.
“Waxaan filayaa inay (ciidamada Soomaaliya) sameeyeen horumar ka badan kuwii la sameeyey shantii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu Austin u sheegay weriyeyaasha isagoo ku sugan Jabuuti oo uu kula kulmay MW Somalia, Xasan Sheekh, iyadoo hadalka Xoghayaha loo fahmi karo inuu nidaamkii hore ku dhaliilayo ka gaabinta arrintan.
Austin ayaa Axaddii magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qayb ka ah booqashadiisii ugu horreeysey ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca.
Hadalsame Media